Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Laba nin oo Göteborg lugu dilay

La daabacay tisdag 1 november 2016 kl 11.30
Labaatan rasaas
(1:01 min)
Goobtii lugu toogtay labada nin.
Goobtii lugu toogtay labada nin. sawir: Björn Larsson Rosvall/TT

Xalay habeenimadii ayaa laba nin lugu toogtay xaafada Frölunda ee magaalada Göteborg.

- Markii aan meesha nimid waxaan islamarkiiba aragnay meyd yaala xaafadan iyo shaqsi kale oo ku dhaawacmay xabadeyntan, ayuu sheegay Stefan Gustafsson oo qeybta saxaafada u qaabilsan booliska Göteborg.

Ninka xaafadan ku dhaawacmay ayaa cusbitaalka lola cararay hasayeeshe  waxuu isna u dhintay dhaawaci soo gaadhay.

Warbixinta uu booliska hadda ka hayo dhacdadan ayaa ah in dadka xaafadan degani maqleen ilaa 20 rasaas islamarkaas na arkeen laba qof oo meesha xabadeeyntu ka dhacday moto kaga baxsaday.

Booliska magaalada Göteborg ayaa hadda bilaabay baadhitaan si loo ogaado qofkii amba dadkii ka dambeeyay dilkan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".