Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sagaal ku dhaawacantay bas gadoomey

La daabacay onsdag 2 november 2016 kl 09.56
Bussolyckan
sawir: Hasse Pettersson/Sveriges Radio

Dabeylaha iyo barafka maanta dalkaan Iswiidhan ka dhacaya ayaa hakad galiyey isusocodka gaadiidka.

Gobolka Småland ayaa waxaa gadoomey bas ay saarnaayeen dad gaaraya 21 qof ka dib markii uu xakameyn waayey darawalkii baskaas wadey.

Sagaal qof oo dadkaas rakaabka ah ka mid ahaa ayaa isbitaal la dhigey.

Shilal baabuur oo kale ayaa sidoo kale la sheegey in ay ka dheceen dalkaan Iswiidhan.

Machadka dalkaan Iswiidhan  u qaabilsan dhanka hawada kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano  (SMHI) ayaa ka digey in xaalad hawo xumi ahi ay soo wajaheyso bartamaha iyo koonfurtqa dalkaan Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".