Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Raadka kontoroolka xaduudaha ku yeeshay socotada 

La daabacay onsdag 2 november 2016 kl 10.46
Löfven: waa kul howlanahay culuska sidaan uga qaadi laheyn socotada
(1:33 min)
Polispatruller på plats vid station Hyllie (första tågstationen på den svenska sidan efter Öresundsbron
Bolis xaduudda oo baaraya dokumentiyada aqoonsi dadka saaran tareenka ka yimid dhanka Danmark. sawir: Stig-Åke Jönsson/TT

Tan iyo markii ay Sweden ku soo rogtay kontorol xaduudda ay la leedahay Danmark ayaa markii ugu horeysay baaritaan lagu sameeyey raadka ay ku yeelatay socotada.

Sida lagu sheegay warbaxinta baaritaankan saameyn weyn ayey ku yeelatay dadka tareenada iskaga kalo goosha Sweden iyo Danmark. Warbaxinta waxaa kaloo lagu sheegay in kumaankun degan waqooyiga Yurub laga celiyey xaduudda madaame ay wateen dokumentiyo aqoonsi oo aan sax aheyn

Sidoo kale xog aruurin laga qaadey socotada labada waddan iskaga kala goosha oo ka kala shaqeysta labada waddan ayaa muujineysa in dad badan ku fikirayaan shaqada in ay iskaga tagaan oo shaqo ka raadsadaan ama dib ugu guuraan waddankooda hooyo si ay uga badbaadaan dhibaatada ay kala kulmaan kontorolka xaduudda buundada u dhaxeysa Sweden iyo Danmark

Ra’iisalwasaarayasha Sweden iyo Danmark ayaa maalintii talaadada kulmay magaalo madaxda Danmark Kopinghagen iskuna soo qaadey waxa laga yeelayo culuska kontorolka xaduudaha u keenay socotada.

- Waxa aan ku howlanahay sidaan u soo dedejin aheyn xalka arrintan. Socodatada kontrolka xaduudda waxuu ka dhumiyaa waqti, mana ahan wax wanaagsan, ayuu yeri Stefan Löfven ra’iisalwasaaraha Sweden

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".