Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Rag kufsi geystey oo la sii daayey markii ay hurdo ku andacoodeen

La daabacay onsdag 2 november 2016 kl 10.59
Dad kufsi geystey oo la sii daayey markey ku andacoodeen in ay hurdeysnaayeen
(2:22 min)
Man håller ner en kvinnas arm mot en kudde.
sawir: Emelie Rosén/Sveriges Radio.

Rag kufsi ay sameeyeen dartiis maxkamado lagu soo taagey ayaa in danbiyadaas lagu xukumo waxay uga baxsadaan iyagoo ku andacooda in ay hurdeen markii ay falalkaas danbi sameynayeen.

Maxkamadaha dadka falalkaas danbi ku kacey sii deysey ayaa hadda canbaareyn xoog lihi waxay uga imaaneysaa khubaro arrimahaas ku xeeldheer.

Lina oo sanooyin ka hor la kufsadey ayaa waxay tiri sidan soo socota:

- Waxaan xusuustaa in aan dareemey wax igu dhexjira, mana kala garaneyn in waxa igu jiraa uu ninkaas dakarkiisii yahay iyo in ay far tahay, ma garaneyn si aan isu rogrogo,markaan dhaqdhaqaaq sameeyeyna waa uu joojiyey, ayey tiri Lina.

Lina ayaa hurdada ka soo boodey iyadoo baqdin iyo argagax ku jirta.

Maxkamaddii dacwadeeda la horgeeyey ayaa caddeysey in gabadhaas kufsi loo geystey, sidaas oo ay tahayna waxay sii deysey ninkii falkaas geystey maadaama maxkamadda sare go’aamisey in markii ninkaasi falkaas geysanayey uu ahaa mid hurdeysan sidaas daraadeedna ninkaas lagu sii daayey.

Lina ayaa ka qaracantey go’aanka maxkamadda, aadna  uga xanaaqdey, waxayna sheegtey in ay hubto in ninkaasi soo jeedey markii uu falkaas geysanayey.

Dhanka kala gabar 13 jir ah ayaa uureysatey, DNA markii laga qaadeyna waxaa soo baxdey ama lagu ogaadey in falkaas uu ka danbeeyo aabeheed oo konton sano jir ah.

Maxkamad ayaa siideysey ninkaas ilmaha yarkaa kufsadey ka dib markii uu ku andacoodey in uu hurdeysnaa markii uu falkaas geysanayey.

Carlos Schenck oo ah bara sare oo wax ka dhiga jaamacadda Minnesota kaas oo ku takhasusey cilmiga loo yaqaano ”Sexsonomi” oo ah in qof galmo u geysto qof kale isagoo hurdo ku dhexjira.

Carlos Schenck ayaa aad uga horyimid go’aamadaas maxkamadaha Iswiidhan falalkaas danbi ka gaareen ka dib markii uu akhriyey, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Dadkaas laguma tilmaami karo in ay qabaan ”sexsomni” waayo falal noocaas ah horey looguma hayo, loomana diiwaangalin in raggaasi ay geysteen, ayuu yiri Carlos Schenck oo ah bara sare oo wax ka dhiga jaamacadda Minnesota.

 Carlos Schenck ayaa intaas ku darey in qaar ka mid ah ragga danbiyadaas geystey ay ahaayeen kuwa sarkhaansanaa oo khamri ama maandooriye cabsanaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".