Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Magan-gelyo

Maxaa dhacaya haddii qofka uu dhinto isaga oo sharci suge ah?

La daabacay onsdag 2 november 2016 kl 10.53
sannadkii hore 52 ruux oo sharci suge ah ayaa geeriyootay
(2:50 min)
Foto: Helena Landstedt / TT
Foto: Helena Landstedt / TT

Sanad waliba, dad aad u fara badan ayaa magan-gelyo ka soo raadsada Iswiidhen, iyada oo dadkani ka soo cararaan dagaalo, faqri iyo cadaadis ay kala kulmaan dalalkooda.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa geeriyooda inta lagu guda jiro amaba aan la bilaabin howsha baaritaanka codsiyadooda qaxootinimo.

Warbixin ay diyaarisay idaacadda Iswiidhen ayaa lagu sheegayaa in aysan keliya ku adkeyn qoyska ama ehelada maareeynta sida loo aasayo qofka dhinta isaga oo aan weli helin sharciga deganaanshaha, balse arrintan sidoo kale ay ku adag tahay ururo diimeedyada iyo xafiisyadda fududeeyo aaska.

Hazim Gurda oo ah imaam ka tirsan ururka Muslimiinta dadka ka soo jeeda Bosnia ee gobolka Örebro oo ay la kulantay idaacadda Iswiidhen xilli uu ku guda aaska qof Suuriyaan oo dhintay inta uusan helin sharcigaga deganaasha ayaa sheegay, in geeridu tahay murugo balse marka uu dhinto qofka isaga oo sharci suge ah, ay soo baxaan su’aalo dhowr ah sida: Maxaa ku dhacaya qoyska qofka dhintay? Ma sii joogi doonaan Iswiidhen ,mise waxay heli doonaan diidmo oo dalka qasab miyaa looga saari doonaa?

Qofka sharci sugaha ah ayaan laheyn lambaradda shaqsiga ee qofka ku leeyahay diiwaanka deganaanshaha dalka (personnummer), waxayna taasina adkeeneysaa in ay fududaato howsha aasitaanka oo u baahan qarash iyo halka lagu aasi karo qofka.

Peter Andersson oo ah madaxa xafiis abaabula aaska dadka geeriyooda kuna yaalla isla magaaladda Örebro, ayaa sheegay in kolka laga soo tago dhibaatooyinka la xiriira qaansheegadka qarashka aaska iwm, in misana sidoo kale ay jirto kala duwanaansho xagga dhaqanka.

Peter ayaa sheegay in ay iska caadi tahay Iswiidhen in meydka la iska hayo labo asbuuc ama afar asbuuc balse ay jiraan dhaqamo iyo diimo qaba in la dedejiyo aaska qofka dhintay.

Sannadkii hore 52 ruux ayaa ku dhintay Iswiidhen inta lagu guda jiray baaritaanka codsigooda deganaanshaha, sida lagu sheegay tirakoobka ka soo baxay hay’adda socdaalka ee migrationsverket.

Sannadkan ilaa iyo dhammaadkii bishii Agoosto, 43 ruux oo sharci sugayaal ah ayaa ku geeriyootay Iswiidhen ka hor inta aysan hay'adda socdaalka wax go'aan ah aysan ka gaarin kiisaskooda.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".