Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Caafimaad

Dawooyinka Antibiotik oo lala xiriiriyay cayil iyo cuduro

La daabacay onsdag 2 november 2016 kl 12.05
 Foto: Anna Larsson/Sveriges radio
Professor Martin Blaser. Foto: Anna Larsson/Sveriges radio

Cilmi-baare caalami ah ayaa ka digay in isticmaalka dawooyinka antibiotika ama qalijiyaha in ay sababaan cayil kaasi oo sii horseeda in qofka ku dhacaan tiro cuduro ah sida: Sonkorta, neefta iyo cudurka autism-ka.

Martin Blaser oo ah bare wax ka dhige jaamacadda New York University imminka booqasho ku jooga Iswiidhen si uu ugu qeyb galo shir cilmi baaris heer caalami ah oo machadka Karolinska institutet uu martgelinaayo, ayaa sheegay unugyada la yiraahdo  mikrofloran ee aadanaha uu ku yimaado isbedelo sabab u ah hab nololeedka casriga oo uu ka mid yahay isticmaalka dawooyinka qaliajiyaha ama antibiotikada.

Professor Martin ayaa sheegay inkastoo dalka Mareykanka looga isticmaalo dawooyinka antibiotikada si ka badan sida loogu isticmaalo Iswwidhen, haddana in Iswiidhen ay weli badan tahay isticmaalka dawooyinka laga hadlayo ee qalijiyaha ana antobiotik-da.

Unugyada dabiiciga ee aan leenahay ee mikroflora - mikrobiomet – ayaa nagu caawiya in aan burburino cuntada aan liqno, waxayna sammeeyaan fitamiino, iyada oo sidoo kale hoos u dhiga infekshinada jirka, caawiyana habka difaaca ee jirka bina aadamka.

Cilmi-baarahan ayaa sheegay in isticmaalka dawooyinka antibiotik-da iyo hab nololeedka wakhtigan casriga ah sida cunooyinka dufinta ku badan tahay ee deg deg lagu sammeeyo, oo is biirsada ay sabab u noqdaan isbedel ku yimaada mikroflor-ka taasi oo sii horseeda cayil iyo cuduro daba socda.

Dhibaatooyinka ay sababaan qaadashada iyo isticmaalka dawooyinka antibiotika-da ayaa keliya ku ekeyn dadka waaweyn ee sidoo kale hooyada cunto waxay u gudbisa saameynta dawada ilmaha uurka ku jira gaar ahaan xilliga dhallinka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".