Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dagaalada Mosul oo dhibaato ka abuuri kara Iswiidhan

La daabacay onsdag 2 november 2016 kl 13.53
Dagaalada Mosul oo xataa walwal ka abuuri kara dalkaan Iswiidhan
(1:19 min)
Stridsvagnar i öknen
Ciidamada Ciraaq oo soo gaaray magaalada Mosul. sawir: Khalid Mohammed AP/TT

Isuduwaha ka hortagga rabshadaha iyo argagaxisada ee magaalada Göteborg Zan Jankovski ayaa digay in dagaalka Mosul qatar ka abuuro Sweden.

Warqad uu soo saarey isku duwaha ayuu kaga digey in dagaalada ka socda magaalada Mosul ee dalka Ciraaq ay siyaadin karaan khataro iyo dhibaatooyin ka dhex abuurma dadka goobahaas lagu hardamayo ka yimid ee ku nool dalkaan Iswiiidhan.

Zan Jankovski ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya waxa uu yiri sidan soo socota:

- Innagoo og waxyaalaha ka dhacaya magaalada Mosul iyo waliba goobaha kale oo ay ku amar kutaagleeyaan kooxda Daacish, ayaa sida ay nala tahay waxaa fiicnaan laheyd in hey’adaha kala duwan ee magaaladu u hawlgalaan, waxna ka qabtaan sidii raad loogu yeelan lahaa qoysaska asal ahaan goobahaas ka soo jeeda, ayuu yiri Zan Jankovski oo ah isuduwaha ka hortagga argagixisada iyo gacan ka hadalka magaalada Göteborg.

Isuduwaha ayaa waraaqdaan u qorey dhammaan hay’adaha ka shaqeeya ka hortagga danbiyada.

Magaalada Göteborg ayaa waxaa ku nool qiyaastii dad gaaraya 11 000 oo qof oo ka yimid dhulalkaas dagaaladu ka socdaan, waxaana goobahaas lagu dagaalamayo dadka dalkaan dagan u jooga qaraabo iyo ehel taas oo khalkhal galin karta nabadda iyo wada noolaashaha magaalada Göteborg.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".