Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Rasaas

Malmö: Qof u dhintay rasaas lagu dhiftay

La daabacay torsdag 3 november 2016 kl 09.10
 Foto: Johan Nilsson/T
Foto: Johan Nilsson/T

Labo ruux ayaa labaatan daqiiqo gudaheeda lagu dhaawacay rasaas la furay bartmaha magaaladda Malmö xalay.

Mid ka mid ah labaddaasi ruux ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Bileyska ayaan weli sheegin in ay cid u soo xireen falkan rasaasta la riday oo ahaa labo dhacdo oo 20 daqiiqo gudaheeda ka dhacay magaaladda Malmö.

Magnus Lefèvre oo ah taliye ka tirsan booliska magaaladda Malmö ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dhacdadan, isaga oo ku andacooday in xaaladda tahay mid xasaasi ah, baaritaana uu socda.

Falka ugu horreeyay ayaa waxa uu ka dhacay Fosievägen saacaddu marka ay ahayd 21.40, halka 20 daqiiqo ka dib falka xige uu ka dhacy Annelundsgatan.

Qofka lagu dhaawacay Annelundsgatan ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawaciisa.

 

Baaritaan xoog badan ayaa xalay oo idil ka soctay goobta falalkani ka dhaceyn ee magaaladda Malmö balse weli bileyska wax war kama hayaan haddii labada fal xiriir leeyihiin.

– Kama saari karo meesha in ay xiriir leeyiin, balse hadda ma jiro xiriir la ogyahay, ayuu yiri Taliye Magnus Lefèvre.

Falka rasaasta ka dhacday Annelundsgatan, dad badan ayaa rasaasta lagu riday balse ma aysan haleelin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".