Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga Moderaterna: xukunka waa in aan la wareegno

La daabacay torsdag 3 november 2016 kl 10.44
Modaraatka oo raba in ay xukunka la wareegaan
(1:42 min)
M iyo S
Montage: P4 Dalarna.

Tobankii lix xildhibaanada degmooyinka ee xisbiga moderaterna ayaa dooneysa in xisbiyada alliansen xukunka la wareegaan.

Xataa haddii xisbiyada garabka bidix ay ku guuleystaan kuraas ka badan inta xisbiga Modaraat-ku iyo xulufadiisu ka helaan kuraasta baarlamanka dalkaan Iswiidhan doorashada soo socota ee dalkaan ka dhici doonta.

Qiyaastii tobankii hogaamiye oo heer degmo ah ee xisbiga Moodaraat-ka ka tirsan, lix ka mid ah ayaa fikirkaas qaba, sida ay muujisey baaritaan uu sameeyey talefishinka dalkaan Iswiidhan SVT.

Xisbiyada dalkaan ee garabyada midig iyo bidix ayaa waxaa ka dhexeeya heshiis aan qorneyn oo ah in hadba kuwii kuraas badan helaa qabto hoggaanka dalkaan xataa haddii uusan aqlabiyad ku heysan kuraasta baarlamaanka taas oo ujeedada laga leeyahay tahay in lagu wiiqo saameynta xisbiga Sverigedemuqaraadiga ku yeelan karo awoodda dalka.

Sida muuqata badanaa hogaamiyayaasha heer degmo ee xisbiga Moodaraat-ka ayaa hadda raba in ay arrinkaas wax ka badalaan, lana wareegaan hogaanka dalka iyagoo taageero iyo wadashaqeyn ka filanaya xisbiga Sverigedemuqaraadiga, taas oo ah mid ka soo horjeeda sida ay wax u rabaan hoggaanka sare ee xisbiga Moodaraat-ku.

Arne Lernhag oo ah madaxa degmada Öckerö, kana tirsan xisbiga Modaraat-ka ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri:

- Xisbiga Sverigedemuqaraadi-gu wuxuu sheegey in uu taageerayo qofkii xisbiyada garabka midig ka tirsan oo loo sharaxo jagada raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan, sidaas daraadeed waxay iigu muuqataa in aan xukunka dalka qabsano , ayuu yiri Arne Lernhag oo ah madaxa degmada Öckerö, kana tirsan xisbiga Modaraat-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".