Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

SD oo xaflad caalamiya u qabanaysa dadka ay aragtiga wadaagan

La daabacay torsdag 3 november 2016 kl 14.00
Stockholmsvinter, fåglar på strömmen med Grand Hotel i bakgrunden
Grand Hotel ayuu SD ku qabanayaa xaflad caalami ah. sawir: Hasse Holmberg / TT

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa habeynimada jimcaha hotel ku yaala Stockholm ugu qabaneysa xaflad caalami ah dadka ay aragtida wadaagaan.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa habeynimada jimcaha hotel ku yaala magaalada Stockholm ugu qabaneysa xaflad caalami ah dadka ay isku aragtida yahiin. Xafladaan ayaa lagu baxin doonaa bilad ay ugu magac dareen biladda xoriyadda.

Laakiin xeer-dheerayaal ayaa ku tilmaamey xafladdan SD mid ah ismuujin iyo ii dheh.

- Waxay doonayaan in muujiyaan in ay ka mid yahiin dhaq-dhaqaqyada midig ee Yurub, ayey tiri Ann-Cathrine Jungar oo ah mutacalimid dhanka culuumta siyaasadda.

Xafladan waxaa lagu qaban doonaa hotelka la yiraahdo Grand Hotel bartamaha Stockholm, xafladdan oo lagu marti qaadey dad kor u dhaafaya 300-400 oo ah ruux. Nigel Farage oo horey u ahaan jirey hoggaamiyaha xisbiga Ukip ee dalka Ingiriiska ayaa ka mid ah dadka lagu martiqaadey oo ka soo qayb-geli doona xafladan SD qabaneyso.

- Ka soo qayb-galayaasha intooda badan waa siyaasiin, ayuu sheegay Joakim Wallerstein oo dhanka warbaahinta u qaabilsan xisbiga SD.

Xafladdan xisbiga SD u qabanayo dadka ay isku aragtida yahiin waxaa lagu qaybin doonaan bilad loo baxiyey European Freedom Award oo la siin doona ruuxa dadaal ku baxiye ka hortagga iyo yareynta federaleynta EU.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".