Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Waa in dumarka bartaan luuqada

Dadaal ku qotomo dumarka guryaha fadhiya ee aan waxba baran

La daabacay torsdag 3 november 2016 kl 12.39
Guriga iska fadhi waa u dhib dumarka
(4:16 min)
Ett barn på en förskola leker med bokstavsknappar.
Ilmo dhigta xanaanada oo xarafyo ku ciyaraya. sawir: Tomas Oneborg/SvD/TT

Dumarka asalkooda dibedaha ka yimid, ee aqoontooda waxbarashada hooseeyso iskana jooga xaafadahooda  ayaa la sheegayaa in si gaar ah ugu adag tahay in ay soo galaan suuqa shaqada.

Haddaba si loogu  caawiyo dumarkan in ay waxbarasho bilaabaan, ayay dowlada waxa ay bilowday mashaariic kala duwan.

Mid ka mid mashaariicda oo goor dhow ka bilowday magaaladda Stockholm ayaa waxaa loogu magac daray ”introduktionsförskolan”.

Xaafadda Rinkeby oo mashruucani cusub laga bilaabay, ayay mar ay tagtay idaacadda Iswiidhen waxay ku soo aragtay hablo labaatameeyo ah oo la ciyaaraya caruurtooda isla markaana baranaya luuqada Iswidhishka.

Qorshaha ayaa waxa uu yahay in la gacan siiyo dumarka asalkooda dibeda ka yimid ee muddo dheer fadhiyay xaafadaha oo aan baran luuqada Iswidhishka.

Ansam oo ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa waxa y ku nooshahay Iswiidhen 10 sano, mudadaasi tobanka sano ah waxay iska joogtay gurigeeda oo ma aysan aadin waxbarashada luuqada Iswidhishka ee SFI.

– Kuma hadli karo Iswidhishka. Oo waxaan guriga la joogay saddex caruur ah oo waxba ma aan baran, sidaasi daraadeed SFI iima jirin, ayay tiri, Ansam.

Dumarka ka soo jeeda dalalka ka baxsan qaaradda Yurub, mudo dheer  iska joogay xaafadahooda ayaa ah koox si gaar ah arrinkan u taabanayo. Sidaasi daraadeed ayay dowlada iminka dadaal ku bixineysaa kooxdan.

– Waxaan si weyn aan u maalgelineynaa goobo waxbarasho oo dheeri ah oo isugu jira waxbarashada aasaasiga iyo mid xirfada, iyo sidoo kale lbarashada luuqada Iswiidhishka. Waxaan sidoo kale bilaabi doonaa kaalmo waxabarasho bilow ah oo ku wajahan dumarkan heerka aqoontooda hooseyso si in badan oo ka mid ah fursadaha dhaqaalahooda u wanaagsanaado, ayay Ylva Johansson oo ah wasiirada shaqada kana tirsan xibiga Sooshal Dimoqraadiga.

Xitaa xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda soo bandhigay dhowr hindise oo ku qotoma isla qorshahan waxbarashada.

Fatima oo iyana ah haweeney kale oo ka mid ah dumarka ka qeyb qaadanaya mashruucan waxbarashada bilowga ee Rinkeby ayaa soo dhoweysay qorshayaasha siyaasiyiinta ee lagu caawinayo dumarka iyada oo kala ah. Waxayna sheegtay in guriga oo la iska fadhiya aysan habooneyn, qofkana ay ku adkaaneyso barashada luuqada Iswidhishaka ayna sidoo kalana ku adkaaneyso in waalidka ka caawiyo ubadkiisa casharada laga soo siiyo iskuulada.

Lennart Berglind oo ah maamulaha iskuulka Kvarnbyskolan ee xaafadda Rinkeby ayaa dhankiisa isna waxa uu sheegay in xitaa ubadka ku dhasha Iswiidhen ee guriga lagu hayo ilaa uu ka gaarayo da’da waajibka ee waxbarashada, in ay ku adkaaneyso luuqada Iswidhishka kolka uu bilaabo iskuulka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".