Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dadka aan la masaafurin karin

Dowlada oo baareysa xaaladda qaxootiga aan la celin karin

La daabacay torsdag 3 november 2016 kl 13.59
Migrationsminister Morgan Johansson. Foto: Jessica Gow/TT och Anders Wiklund/TT
Wasiirka socdaalka Morgan Johansson. Foto: Jessica Gow/TT och Anders Wiklund/TT

Dowlada ayaa maanta magacowday baare soo eegi doono sida loo yareyn karo tirada dadka kiisaskooda aan la garaneyn sida laga yeeli karo kuwaasi oo ah magandoonayaal la go’aamiyay in dalka laga saaro, misana laga saari kareyn.

Waxaa jira sababo fara badan oo aan loo fulin karin go’aanka dal ka saarista ee dadka ceynkan ah, waxaana ka mid ah in dalalka ay ka soo jeedaan diidaan in lagu soo celiyo ama in qofka uu yahay qof aan dalba lahayn ama aan heysan dal uu ku laabto.

Dal ka saarista ama musaafurinta ayaa sidoo kale aan loo fulin karo sababo la xiriira xagga caafimaadka qofka ama xagga bina aadanimada.

Dadka ku sugan xaaladda sidaasi oo kala ah, ayaa tiradooda waxay u dhaxeeyaan 2000 ilaa iyo 3000.

Dadkani ayaa ka helay diidmo codsigooda magan-gelyada waxaana la go’aamiyay in dalka laga saaro haddana lagama saari karo.

Baaraha ay dowlada magacowday ayaa soo uruurin doono xoggo ku saleysan xagga sharciga oo ah sida laga yeeli karo dadkan iyo in uu soo bandhigo hindisooyin sida lagu yareyn karo tiradooda.

Howsha baarintaankan ayaa la soo bandhigi doono 1 bisha Sibteembar ee sanadka soo socda ee 2017.

Baaraha arrinka loo magacaabay ayaa  Anna Lundberg, oo ah bare jaamacadeed oo ka dhigta culuunta xaquuqda aadanaha jaamacadda Malmö.

Anna Lundberg ayaa sheegtay in daraasadaha ay sammeyso ay ku aragto maalin walbo dhibaatooyinka la xiriira kiisaska dadka sidaasi ah iyo cawaaqibka uu la kulmo qofka xaaladiisa sidaasi noqoto.

.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".