Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dacwadaha xogta shaqsiyeedka la iska xado oo kordhaya

La daabacay fredag 4 november 2016 kl 10.00
Bild på Sanja och en skärmdump av det fejkade kontot.
sawir: Caroline Kernen/Sveriges Radio

Laga soo bilaabo xagaagii Sweden waxa sharci daro laga dhigay in qofka iska dhigo qof uusan aheyn.

Gaar ahaan waxaa la mamnuucay qofka in uu baraha bulshada iska dhigo qof uusan aheyn oo isticmaalo sawiro iyo xog shaqsi kale iska leeyahay. Tan iyo markii sharcigan meelmaray booliska waxaa soo gaaray dacwado gaaraya 6000 oo ku saabsan arrinkan. illaa iyo haddana waxaa lagu guuleystay in maxkmad la soo taago oo xukun lagu rido hal qof oo lagu helay dembigan. 

Sanja Miljanic ayaa ka mid ah dadka xogtooda ay si qalad ah u isticmaaleen dad kale oo iyaga iska dhigaya, waxayna sheegtay in ay tahay wax laga yaqyaqsiyoodo in sidaasi la sammeeyo.

Waxay ahayd bishii Luulyo ee bartamihii sannadkan marka uu soo baxay sharciga mamnuucaya in qofka uu adeegsado xog shaqsiyeed qof kale uu leeyahay kolka uu isticmaalayo baraha bulshada.

Waxaa lagu mudan karaa ganaax ama xabsi gaaraya ilaa iyo labo sano waa haddii qof lagu helo in uu isticmaalayo xog shaqsiyeed uusan isaga lahayn oo si sharci daro ah uu galaangalo ugu yeesho.

Sida ay sheegeen booliska, waxaa ku filan oo keliya qofka uu u isticmaalo facebook sawir isaga uusan lahayn waa xitaa haddii ujeedada aysan ahayn mid lacag la xiriirta balse keliya ay tahay dhib.

– Sida ugu dhaqsiyaha badan ee aad si sharci daro ah ku saqajaanto qof kale xogtiisa, xitaa haddii aysan kaa ahayn arrimo dhaqaale, waa dambi weyn oo aad gashay, ayii yiri Jan Olsson oo ah dambi baare ka tirsan waaxda dambiyada is dabamarinta ee bileyska.

Qof keliya ayaa loo soo taagay maxkamad dambiyada la xiriira arrintaani waayo waxaa adag ayaa la leeyahay in la helo dadka looga shakiya dambiyadan khadka ka dhaca.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".