Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhibaato gadiidka tareenada oo ka taagan Stockholm

La daabacay måndag 7 november 2016 kl 09.24
Fullsatt på de tåg som går från centralen i Stockholm på torsdagskvällen. Foto: Marcus Ericsson / TT.
Foto: Marcus Ericsson / TT.

Dhibaato hakasho ah ayaa ka jirta tareenada ka baxa Stockholm.

Tareenada ayaa hadda isticmaalaya hal ka mid ah labado ee wado ee tareenada magaalada dhankeeda koonfureed taas oo sababtay tareenadu in ay soo daahaan qaarkoodna ay baaqdaan. Hakashada tareenada waxay sidoo kale saameyn ku yeelatay tareenka pendeltåg-ga ee aada hareeraha magaalada.

Dhibaatadan ka tagaan gaadiidka tareenada ayaa la filayaa in la xaliyo beri subax, sida ay sheegtay Lena Karlsson oo saxaafadda u qaabilsan hey’adda gaadiidka Trafikverket.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay tareenadii iskaga kala gooshayey magaalooyinka Norrköping, Malmö, Hallsberg, Göteborg,Eskilstuna, Karlstad iyo Oslo

Sida laga soo xigtay shirkadda SJ tareenada waxay  soo karaan ugu yaraan 30 daqiiqo iyadoo ugu yaraan 10 taareen oo baxi lahaa ay baqaan doonaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".