Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Luuqadaha waa furaha ay u baahanyahin aqoonyahanada dalka ku cusub

La daabacay måndag 7 november 2016 kl 10.53
Korsooyin ah luuqadaha iswiidhishka iyo ingiriishka
(2:38 min)
Bastian Khalil från Syrien kom in på sin drömutbning med hjälp av valideringen.
Bastian Khalil oo Suuriya ka yimid dhowr sanno ayaa ku guuleysaty in tacliinta uu dalkiisa kalo yimid laga aqoonsado dalka Sweden, hadana waxuu soo galay waxbarasho jamacadeed oo waayo badan ku taamayey. sawir: Dimitri Lennartsson/Sveriges Radio

Aqoon yaraan dhanka luuqadaha ah ayaa ka hoortaagaan soo-galootiga dalka ku cusub in ay tacliimaha iyo shahaadooyinka ay waddamadooda kale yimaadeen laga aqoonsado Sweden.

Qaybo ka mid ah goobaha waxbarashada dalka ayaa sidas daraadeed hirgelinayo waxbarasho ah dhanka luuqaaha oo la siiyo kuwa dalka ku cusub ee doonaya in tacliimaha ay la yimaadeen loo xaqiijiyo ama doonaya waxbarashadooda Sweden ka sii wataan.

Kadib markii jaamacadda Linnéuniversitet rugteeda dhanka macluumaadka kombiyuuterada sannadkii hore hirgelisay fursad uu qofka dalka ku cusub ku xaqiijin karo tacliinta uu kalo yimid waddankiisa, dad gaaraya sodomeeyo ayaa jaamacadda soo dalbaday.

Dadkan qaarkood waxay u badnaayeen kuwo ku qasbanaaday in waxbarashadii waddamdood ka wateen joojiyaan madaame ay ku qasbanadeen in ay ka soo saraan dalkas iyo kuwo aan wadan wax shahaadooyin ah balse doonaya tacliimo kala oo ay wateen in loo aqoonsado oo looga dhigo Iswiidhish si a wax barashadooda halkan uga sii wataan.

 Balse tiro aad u yar ayaa dayrtan soo gashay waxbarashadii ay doonayeen.

Sababta ugu horeysa waxay tahay aqoon yaraan dhanka luuqadaha taas oo laga dareemyo qaybo badan oo ka mid ah goobaha waxbarashada dalka, sida ay sheegeen guddiga arrimaha qaxootiga u qaabilsan jaamcadaha dalka.

– Luuqda waa furaha. Haddii qofka uusan iswiidhish iyo ingiriis midna aqoonin weden dhibaato ayey ku noqoneysaa, ayuu eri Jesper Andersson oo madax ka ah machadka lagu dhigto macluumaadka kombiyuterada ee jamacadda Linnéuniversitetet.

Mid ka mid ah soo galootiga dhifka ah ee ku guuleystay in uu aqoonta uu waddankiisa kala yimid u badasho iswiidhish soona galo waxbarashada uu doonayey Bastian Khalil oo saddex ka hor ka soo cararay dalak Suuriya.

– Dabcan ayaan ugu faraxsanahay in aan soo galo waxbarashada doonayey oo jeclahay in aan dhigto, ayuu yeri.

Maadaama ay soo badanyaan qaxootiga la siiyo ogalaashaha deganaansho ayaa la filayaa in kor u qaadi doonto tirada soo-galooti ah ee sannadyada soo socda soo dalban doonta jaamacadaha dalka. Laakiin sii fiican u yaqaaniin iswiidhish ama ingiriis.

- Buugaagteena maadooyinka waxay ku qoran yahiin ingiriis, sidas daraadeed waa in qofka aqoon fiican u leeyahay ingiriiska, ayuu yeri Jesper Andersson.

Si hadaba arddeydan soo-galootiga ah ugu guuleystaan waxbarashada ayaa jaamacaddo badan qorsheynayaan gu’ga in ay bilaaban waxbarasho gaar ah oo ah dhanka luuqadaha taas oo qayb ka noqon doonta xajiijinta shahaadooyinka iyo tacliinta ay la yimaadaan soo-galootiga. Inkastoo ay ku kordhin doonto waqtiga lagu xajiijyo shahaadada arddeyda soo-galootiga ah hadana waa lagama maarmaan in luuqadaha ahmiyadda la saaro maadaama ay aqoon la’aanta luuqadaha sabab u noqoto arddeydan in ay ku dhacaan waxbarashada, ayuu yeri Jesper Andersson.

Göteborgs Universitet 

 Sidoo kale jamacadda Göteborg ayaa qorhseyneysa in ay hirgeliso waxbarasho luuqadeed oo ah noocan.

– Arddeydeyda ayaga dalabyo noocan ah soo jeediyey, in la siiyo waxbarasho dhaqso ah oo ah dhanka luqadaha iswiidhishka iyo ingiriiska, ayey tiri Helena Lindholm oo ah maamulaha jaamacdda Göteborg xubina ah ka ah guddiga arrimaha qaxotiga ee jamacadaha dalka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".