Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Taageerada dhaqaale ee saxaafadda oo lagu taliyey in la kordhiyo

La daabacay måndag 7 november 2016 kl 14.50
Kultur- och demokratiminister Alice Bah Kuhnke (MP) (th) presenterar den särskilde utredaren för utredningen En mediepolitik för framtiden, Anette Novak. Novak ska analysera behovet av nya mediepolitiska insatser när presstödet i dess nuvarande form upphör. Foto: Jessica Gow / TT
Wasiirka hiddeha iyo demokaraatiyada Alice Bah Kuhnke (MP) (th) iyo baaraha dowladda ee arrimaha saxaafadda Anette Novak oo shir saxaafaded u qabtay. Foto: Jessica Gow / TT

Baritaan saxaafadda ah ayaa maanta loo gacan-geliyey dowladda.

Anette Novak oo ah baare ay dowladda horey ugu xil saartay ukuurgalka xaaladda saxaafadda dalka iyo sida loo hormarin karo ayaa maanta soo bandhigtay baaritaankeeda. Dhowr qodob ayaa ku jira baaritaanka saxaafadeed ee maanta loo gacan geliyey wasiirka hiddaha iyo demokratiyadda Alice Bah Kuhnke (MP).

Qodobadas waxaa ka mid ah in saafadda la siiyo taagero dhaqaale oo aan ku salaysnayn halka iyo sida saxaafaddas loo helo, in tageerada dhaqaale ee la siiyo saxaafadda ay qayb ka helaan saxaafadda ku soo baxda digitalka iyo wargeysyada bilaashka ah.

In guddi kala matalayaa laamaha kala duwan ee saxaafadda ay go’aamiyaan saxaafadda kuwooda istaahila in la siiyo taageerada dhaqaale.

Baaraha ayaa ku taliyey in dhaqaalaha tageero ee lagu taageerayo saxaafadda la gaarsiiyo 732 milyan oo kr waxii ka dambeeya sannadka 2020.

Baaraha dowladda Anette Novak, ayaa ku tilmaamtay taagerada cusub ee saxaafadda hindiseyaasha ugu muhiimsan ee ku jira baaritankeeda.

"Si warbaahin qayb uga hesho taageerada dhaqaale waa in warbaahintas xushmeysaa qiimaha siman ee dadka" ayaa lagu yeri baaritaankan maanta dowladda loo gacan geliyey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".