Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Macaashka shirkadaha ee adeegga bulshada oo lagu taliyey in la xadido

La daabacay tisdag 8 november 2016 kl 10.42
Reepalu: lacagta canshuuraha waa in loogu maalgeliyo mehredddii loogu talo-gala
(2:14 min)
Ilmar Reepalu
Baaraha dowladda Ilmar Reepalu oo maanta soo bandhigay natiijada baaritaankiisa sawir: Henrik Montgomery/TT

Ilmar Reepalu oo ah baaraha dowladda ayaa ku taliyey in faa’idooyinka shirkadah gaarka loo leeyahay ka helaan xaruumaha danaha guud la go’aamiyo in aysan ka badnaanin 7%.

Shirkadaha iyo ururada ka howl-galaya goobaha danaha guud na waa in ay u leeyahiin waayo-aragni iyo aqoon howlaha ay qabanayaan, lagana helaan adeeg wanaagsan, ayaa ka mid ah talooyinka ku jira baaritaanka Ilmar Reepalu.

Gaar ahaan waa shirkadaha waaweyn ee ka howl-gala goobaha danaha guud kuwo u baahan in ay wax ka baddelaan hab-dhaqankooda ayuu yeri Ilmar Reepalu.

– Shirkadahan waaweyn waxay ka howl-galaan dhammaan lamaha kala duwan adeega bulshada sida, goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka, ayuu yeri ilmar oo maanta soo bandhigay baaritaan la xiriira sida laga yeelayo ka macasshka iyo ka faa’ideysiga adeegga dadweynaha.

Qodobada ugu muhiimsan talooyinka ku jir baaritaankan waxaa ka mid ah: in la xadiido faa’oodinka shirkadaha ka helaan goobaha danaha guud ee ay maamulaan, ugu badnaan sannadkii faa’idooyinka ka heli karaan ahaan karto boqolkii 7 keliya lacagahii ay ku maal-gashadeen mehredaha ay mamulaan. Sidoo kale hindiseyaasha ku jiraan baritaankan waxaa ka mid sharuuddo ah in maamulka shirkadda ka howl-galaysa xaruumaha danaha guud ay leeyahiin awoodda xirfadeed iyo aqoonta goobtas looga baahan yahay.

Haddii shirkadda ay sannadkas soo xareyso faa’idooyin badan waa in markas lacagtas dib loogu maalgeliyaa goobta ay shirkadda ka howl-gasho taas oo ahaan karta in ay badiyaan shaqaalaha ka howl-gala goobta.

– Lacagta canshuuraha dadweynaha waa in ay dib ugu noqdaan meherada loogu talo-galay oo loo adeegsado kor u qaadidda tayada laguna qarash gareeyo kordhinta shaqaalaha iyo tacliinta ay u baahan yahiin, ayuu yeri Ilmar Reepalu oo maanta soo bandhigay natiijada baaritaan la xiriira sida laga yeelayo shirkaddaha ka howl-gala goobaha adeega bulshada iyo  macaashka uga soo xaroodo, baaritaankan ay dowladda u xuil saartay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".