Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Doorashada Mareykan oo Sweden xataa ka bilaabatay

La daabacay tisdag 8 november 2016 kl 12.20
Trump hadduu madaxweyne noqdo waxay saameyneysaa wax soo saarka Sweden
(2:07 min)
Amerikanska flaggan
sawir: Pontus Lundahl/TT

8000 oo ah codbaxiyaal ameerikan ah oo ku sugan Sweden ayaa codkooda halkan ka dhiiban doona.

Xisbiga demokaraatiga ayaa ku rajo weyn in uu hanto codadka dadka ameerikanka ah ee ku nool Sweden.

– Halkan Sweden waxaa ku sugan kumankun qof oo codeyn kara doorashada madaxweyne ee Mareykanka, waxaan ku gacan siineynaa sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen, ayuu yeri Alex Lange oo ah guddoomiyaha laanta xisbiga demokaraatiga ku leeyahay Stockholm oo la yiraahdo Democrats abroad.

Ugu yaraan 8 000 oo qof oo xaq u leeh in ay ka dhiibtaan codkooda doorashada maddaxweyne ee Mareykanka ayaa ku sugan Sweden. Blalse dadkan ayaan dhammaantod la soocnin xaqa ay u leeyahiin in ay qayb galaan doorashada madaxweynaha ee Mareykanka, iyadoo Sweden xiisaha loo hayo doorashada madaxweynaha waddankas ay tahay mid aad u weyn.

 – Doorashada madaxweynaha Mareykan xiiso weyn ayaa looga hayaa Sweden. Waayo Sweden xiriir wanaagsan oo ah mid ganacsi iyo mid dhaqanba ayey la leedahay Mareykanka ayuu yeri Alex Lange

Sidoo kale xiisaha dalkan Sweden looga hayo doorashada madaxweyne ee Mareykanka waxaa kor u sii qaadey musharaxa madaxweynaha Mareykan u tartamaye Donald Trump.

Saxaafadda Sweden ayaa sanandkan magaca Donald Trump soo qaadatay wax ka badan inta goor ee lagu soo qatay magaca ra’iisalwasaaraha Sween Stefan Löfven, sidaas waxaa lagu muujiyey cabiraad shirkadda Retriever oo ka faalloota arrimaha saxaafadda.

Nicole Clifford oo iyadana mataleysa xisbiga jumhuuirga laantiisa Stockholm ayaa iyada la yaaban xiisaha dalkan Sweden looga hayo doorashada dalka Mareynka.

– Haddii Trump madaxweynaha Mareykanka noqdo markas waxay saameyneysaa fursad ay arddeyda iswiidhishka waxbarasho uga heli lahaayeen Mareykanka sidoo kale saameyn ayey ku yeelan doontaa wax soo saarka gacsi ee Sweden. Ayey tiri Nicole Clifford.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".