Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Moderaterna oo ka soo horjeedsaday xakameynta ka macaashka adeegga guud

La daabacay tisdag 8 november 2016 kl 14.28
Ulf Kristersson ekonomisk-politisk talesperson för Moderaterna.
Ulf Kristersson afhayeenka arrimaha dhaqaalaha ee xisbiga moderaterna. sawir: Marcus Ericsson/TT

Moderaterna ayaa ka soo horjeedsaday in la xadido ka macaashka adeegga bulshada ee shirkadaha gaar gaarka loo leeyahay.

Xisbiga Moderaterna ayaa ka soo horjeedsaday hindise ah in la xadido ka macaashka adeegga bulshada ee sameeyaan shirkadaha gaar gaarka loo leeyahay ee maamula xaruumaha danta guud.

In macaashka faa’ido ee shirkadahu ka helaan adeegga dadweynaha lagu so koobo boqolkii todo keliya waxaa ku taliyey baaritaan maanta soo bandhigay oo uu sameeyey Ilmar Reepalu oo ah baare dowladda u saartay in uu ukuurgala sida laga yeelayo ka macaashka adeegga guud ee bulshada.

Laakiin afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee xisbiga moderaterna ayaa ku dooday in aysan suurto-gal aheyn in la meelmariyo hindiseyaasha baaritaanka balse ay baddelkeeda doonayaan in xisbiyada siyaasadda isku afgartaan sida laga yeelayo shirkadaha ka macaasha adeegga guud.

 - Hindiseha noocaan ah ma abuurayo fursad is afgarad ah oo aan aaminsanahay in ay u wanaagsan tahay waddanka Sweden, ayuu yeri Ulf Kristersson.

Waxuu Ulf Kristensson ku eedeeyey baare Ilmar Reepalu in uu ku qafiifay macaashka faa’ido ee shirkadaha halka uu eegi lahaa waxtar kale ee shirkdaha ku soo kordhiyeen adeegga bulshada.

- Haddii lagu qafiiyo faa’idada shirkadahan helaan oo la egin waxtarkooda markas suurto-gal ma ahan in is afgarad arrintan lagalo xisbiyada Alliansen, ayuu yeri afhayeenka dhaqaalaha xisbiga moderaterna Ulf Kristersson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".