Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sayleyda ganacsiga Stockholm oo hoos u dhacday kadib guusha Trump

La daabacay onsdag 9 november 2016 kl 13.25
Dorashada Trump oo saameysay seyladaha ganacsig
(1:02 min)
trump och börsen
sawir: TT

Seyladda ganacisga Stockholm börsen ayaa saakey markii albaabada loo furay boqolkii saddex hoos u dhacday kadib markii ay cadaatay in Trump ku guuleystay doorashada Mareykanka.

- Xaaladda ganacsiga waa kacsantahay, inta badan seyladaha ganacsiga caalamka hoos ayey saakey u dhaceen, qiimaha dulsaartay hoos ayey u socotaaa, sidoo kale dollarka qiimahiisa hoos ayuu u dhacday, waxaa lagu jiraa ayaa la oran karaa xaalad ganacsi oo cabsi leh, ayey tiri madaxa dhaqaalaha bangiga SEB Robert Bergqvist.

Waxaa la saadaalinayaa in sidoo kale ayagana hoos u dhaci doonaan seyladaha ganacsi ee Yurub iyo Mareykanka.

- Waxaa moodaa in seyladaha ganacsiga saadaasha ugu jirtay Clinton in ay guuleysan doonto, taas ayaa keentay hoos dhaca kadib markii ay cadaatay Trump in uu guuleystay, ayuu Pär Ivarsson oo dhaqaalaha uga faallooda laanta Ekot.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".