Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lövin oo fileysa Trump in uusan ka dhabeynin ballanqaayadiisa cimilada

La daabacay onsdag 9 november 2016 kl 14.26
Lövin: heshiiska cimilada waa sii jiri doonaa
(1:23 min)
Kvinna.
Isabella Lövin, wasiirka horumarinta caalamiga iyo cimilada. sawir: Janerik Henriksson/TT

Wasiirka horumarinta caalamiga iyo cimilada Isabella Lövin ayaa aaminsan in uusan Mareykanka ka baxi dooniin heshiiska caalamiga ah ee cimilada ee horey lagu gaaray magaalada Paris.

– Heshiiska cimilada ee Paris waa sii jiri doonaa, Mareykanka horey laga dhaqan geliyey heshiiska mana u maleynayo in sahal lagu baddeli karo, ayey tiri Isabella Lövin.

 Intii ay socotay olalaha doorashada Mareykanka Donald Trump marar badan waxuu ka dhawaajiyey in uu gebi ahanatiisba burbur doonta haddii madaxweyne loo doorta heshiiska cimilada ee horey caalamka ugu gaaray magaalada Paris.  

Laakiin Isabella Lövin wasiirka horumarinta caalimiga iyo cimilada ayaa ku rajo weyn Trump in uusan ka dhabeyn doonin ballanqaadkiisa. Sida ay aaminsan tahay Lövin qaar badan oo ka mid ah dowladdaha hoose ee Mareykanka maagelin ku sameeyeen  tamarta dib loo cusbooneeyo taas oo ay ku jiraan dane dhaqaale oo culus.

– Waxaa jira awoodo dhaqaale oo ay adag tahay in la joojiyo. Laakiin dabcan madaxweynaha Maryekanka waxuu heystaa sancooyin badan oo u wax ku hakin kari, ayey tiri Isabella Lövin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".