Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Andersson: waa muhim in laga taxadaro hadalada siyaasadeed

La daabacay onsdag 9 november 2016 kl 15.19
Finansminister Magdalena Andersson
Wasiirka dhaqaalaha Sweden Magdalena Andersson sawir: Janerik Henriksson/TT

Muhiimad dheerad ah ayey hadda leedahay in laga fiirsado hadalada siyaasadeed, sidaa waxaa yeri wasiirka dhaqaalaha Magdalena Andersson (S) kadib markii Donald Trump loo doortay mdaxweynaha Mareykanka.

Arrintan ayaa timid ka gadaal markii wasiirka cadaaladda dalka Jarmal Heiko Maas ku tilmamay doorashada Trump waali iyo qatar caalamka ku soo wajahan.  

– Waa la arki doonaa siyaasadda uu la yimaado Donald Trump. Balse hadda waxaa nagala baahan yahay in hadalada siyaasada iyo doodahu ku salayno xaqiiqada oo laga tartiibsado hadalada dareemaha ku dhisan ee xanafta leh, ayey tiri Magdalena Andersson.

Wasiirka dhaqaalaha Sweden ayaan ka welwelsaneyn saameynta ay ku yeelan doonta dhaqaalaha Sweden doorashada Trump , inkasta oo ay sheegtay in ay isha ku heyn doonta marka aqalka cad lagu wareejiyo Trump.

–  Hadda dhaqaalaha Sweden waa adag yahay. Dakhliga iyo qarashaadka dowladdana waa ladan yahiin. Bangiyadeena sidoo kale waa ladan yahiin haddi dhibaato imaatana hey’adda xalintooda diyaar u ah baan heysanaa. Laakiin USA dhaqaalah Sweden muhiim ayuu u leeyahay waxayna ku xiran tahay siyaasadda

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".