Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga waddanka oo la ildaran cudurada maskaxda

La daabacay torsdag 10 november 2016 kl 10.20
Suurida,Soomaalida iyo Eriterida
(1:16 min)
Xeero qaxooti oo ku taala magaalada Pajala,waqooyiga Iswiidhan.
Xeero qaxooti oo ku taala magaalada Pajala,waqooyiga Iswiidhan. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Qaxootiga waddanka ku cusub ayaa la ildaran dhibaatooyinka la xidhiidha cudurada xagga maskaxda khaasatan kuwa ka soo qaxay dagaalka Suuriya. Sidaas ayaa laga ogaaday baadhitaan cusub ay laanqeeyrta cas, Röda Korset arrinkan ku sameeysay.

Tusaalahan ayey saddex meelood hal kuwani la ildaran yihiin qulub iyo niyad jab, waxaa af-iswiidhishka lugu yidhaahdo depression. Sido kale ayaa la filaya in waxaa loo yaqaano Posttraumatisk stress ku dhacay qaxootigan. Cudurkan ayaa ka yimaada jahawareerta oo uu qofka dareemo marka uu wel wel xoog badan qabo, waxaanu ku dhaca qofka ka dib marka uu arkoo dhacdooyin fool xun sida dagaal, dil iyo dhaawac.

Baadhitaankan ayaa sido kale laga arkay in boqolkii ba soddon qaxootiga Suuriya ka yimid ee la wareeystay sheegeen in jidh dil lugu sameeyay markii ay waddankooda joogeen.

Soomaalida iyo Eriterida waddanka yimid ayaa iyaguna sida uu baadhitaanku sheegayo la kulmay dhibaatooyin noocan oo kale ah. Dadka wadamadan ka yimid ayaa aad uga cabanaya dhibaatooyin la xidhiidha cuduradda maskaxda. Tiradan ayaa ka badan Suurida ka cabanaya dhibaatooyinkan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".