Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Boliska Stockholm oo ku baaqay baabuurta in guriga looga soo tago

La daabacay torsdag 10 november 2016 kl 10.54
14 sacadood baabuur ku dhex xanibneyd biyo iyo baad la'aan
(2:54 min)
Snötäckt bil
Baabuur baraf qariyey. sawir: Warsame Elmi

Barafkii ugu badnaa muddo 111 sanno ah ayaa shalay ka da’ay magaalada Stockholm. Barafkas oo cabirkiisa noqday 39 centimitir.

Barafka tirada badan ee magaalada ka da’ay ayaa saameyn ku yeeshay wadooyinka iyo ga’diidkii magaalada iskaga kala gooshi jiray. Hey’adda gaadiidka Trafikverket ayaa sheegtey in magaalada ay weli ka taagan tahay dhibaatadii uu wadooyinka ku reebay barafkii shalay da’ay.

 - Wali waddooyinka waxaa yaala oo xanimaya baabuur looga tagay. Waxaan ku howlanahay ka wareejinta waddooyinka baabuurtas xanibaya, ayey tiri Lena Karlsson oo dhanka saxaafadda u qaabilsan hey’adda Trafikverket.

Waddooyinka ugu muhiimsan Stockholm ee laga soo sheegayo baabuur looga tagay oo xanibaya isku socodka ayaa waxaa ka mid ah waddada E18 ee marta Ärvinge xaafadda Kista. Waddadas waxaa yalaa dhowr tareelayaal oo barafka galay oo tareelayaash oo ka xanibay gadiidka waddada.

Markii la aado E14 oo la gaaro xaafadda Bredäng dhamman waddas gaadiidka marayey wuu joogsaday, labada ee waddada waxaa ku istaagay oo xanibay labo gaari oo ah ku xamuulka.

 - Waa adag tahay in la sheego goorta ay ka soo reyneyso adeegsiga waddadan, ayuu yeri Beisi Sundin oo asna ka howl-gala hey’adda Trafikverket.

Xataa sidoo kale dhibaato waxaa laga soo sheegaya gaadiidka dadweynaha gaar ahaan basaska

- Dhaq dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha culeys ayaa ka jira gaar ahaan dhanka basaska, ayuu yeri Fredrik Cavalli-Björkman oo dhanka saxaafadda u qaabilsan SL.

Balse tareenka dhulka hoostiisa mara ayaan asaga wax dhibaato ah hadda laga soo sheegin.

Boliska Stockholm ayaa dadka magaalada ugu baaqaya in ay gaariga guriga uga soo tagaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".