Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada shaqo la'aanta ku sugan waqti dheer oo kor u kacday

La daabacay fredag 11 november 2016 kl 09.59
Arbetsförmedlingen: Suuqa shaqada Sweden waa wanaagsan yahay
(2:02 min)
Delad bild: En skylt till Arbetsförmedlingen och en flyktingfamilj med ryggsäckar.
Kor u kaca tirada shaqo la'aanta ku sugan waxaa u sabab ah dadka dalka ku cusub ee sharciga la siiyey. sawir: Jessica Gow/TT, Drago Prvulovic/TT

Dhamaadkii bishii oktober 361 00 oo qof ayaa shaqo la’aan uga  diiwaan gashanaa xaafiiska Arbetsförmedlingen, taas oo ah hoos u dhac dhan 11 000 marka loo barbarbdhigo sannadkii hore.

Dhanka kale dadka waqtiga dheer shaqo la’aanta ku sugnaa ayey tiradooda ku darsantay 2 000 oo qof. Dadkan ayaa tobankii afar shaqo la’aan ku sugnaayeen waqti ka badan hal sanno.

– kor u kaca tirada waqtiga dheer shaqo la’aanta ku sugan waxaa u sabab ah dadka dalka ku cusub ee iska diiwaan-geliyey xaafiiska shaqada kadib markii sharciga deganaanshaha la siiyey, ayey tiri Annika Sunden oo madax  ka ah waax ka tirsan xafiiska shaqada.

Waxaa la weydiiyey Xaafiiska shaqada sidee u maareyn karaa mar haddii dad badan oo waddanka ku cusub iska diiwaan-gelinayaan xaafiiska shaqada?

– Dabcan dad badan ayaa xaafiiska shaqada laga diiwaan-gelinayaa taas oo culus keeda leh, laakiin  dhan kale markii laga fiiriyo waxay fursad weyn u tahay suuqada shaqada Sweden, waayo dadkan waxaa ka buuxa qaar badan oo leh awoodda xirfadeed ee loo baahan yahay. Waxaa muhim ah in Arbetsförmedlingen, degmooyinka dalka iyo goobaha waxbrashada ay ka wado shaqeeyaan sidii dadkan suuqa shaqada lugta ula geli lahaayeen.

Shaqo dadkan ma loo hayaa?

– Suuq shaqada Sweden waa mid aad hadda u wanaagsan, balse waxay sharuudda tahay qofka in uu leeyahay aqoonta looga baahan yahay suuqa shaqada, ugu yaraan heysto shahaadada dugsi sare, laakiin dadyowga dalka ku cusub qiyaastii kala bar ayaan soo dhigan dugsiga sare. Taas oo qasab ka muhiim ka dhigeysa in lagu dadaalo kor u qaadidda awoodda xirfadeed ee dadkan si ay shaqo u helaan dhaqaalaha dalkana wax ugu soo kordhiyaan, ayey tiri Annika Sundén oo madax ka ah waax xaafiiska shaqada u qaabilsan faaleynta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".