Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawladda oo jawaab ka bixinaysa sharciga ilaalinta xuduudaha

La daabacay fredag 11 november 2016 kl 10.18
Saddex bilood oo dheeraad ah
(1:31 min)
Dawladda ayaa maanta go´aan ka gaadhaysa in sharcigan la sii dheereeyo.
Dawladda ayaa maanta go´aan ka gaadhaysa in sharcigan la sii dheereeyo. sawir: Johan Nilsson/TT

Dawladda ayaa maanta go´aan ka gaadhaysa in sharciga ilaalinta xuduudaha la sii dheereen doono iyo in kale.

Waxaa jawaab laga sugaya shir hadda lugu qabanayo magaalada Bryssel oo ka dhaxeeya wadamada EU. Halkaas ayaa go´aan laga gaadhaya in wakhtiga loo dheereeyo wadamada doonaya.

Sharcigan ayey dawladdu soo dejisay 12 nofeembar sannadkii hore 2015 luguna talo galay in u shaqeeyo ilaa 16 bisha aan ku jirno. Waagaas ayaa la bilaabay in kaadhka aqoonisiga ah laga codsado dadka doonida u soo raaca Iswiidhan.

Hasayeeshe ayey dawladu 4 jannayo sannadkan sii atkeeysay sharcigan.

Laga bilaabo bishaas ayaa sido kale la bilaabay in kontarool dheeraad ah lugu sameeyo dadka Iswiidhan doonaya in ay soo galaan.Tusaalahaan ayaa la bilaabay in kaadhka aqoonsiga ah ee ID handling loo yaqaano laga codsado qaxootiga marka ay basaska, tareenada iyo doonyaha Iswiidhan ku soo socda raacayaan.

Maanta ayaa ah maalintii ugu dambeeysay ee go´aan laga gaadhi karo sharcigan. Hadii ay dawladdu maanta go´aan ka bixin weeydo waxaa lugu laaban doona nidaamkii hore ee ka jiray Iswiidhan inta aan sharciyadan cusub la soo dejin.

Hasayeeshe ayuu wargeeyska Dagens Nyheter bogeeda ku soo qoray in  warbixin sheegaysa in ay dawladdu maanta shaacinayso in wakhtiga loo dheereeyo sharcigan soo gaadhay , saddex bilood sida uu wargeeyska bogeeda ku soo qoray.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".