Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hadda: dowladda oo saddex bilood ku dartay kontorolka xaduudda

La daabacay fredag 11 november 2016 kl 10.37
Ygeman: qatartii awelba keentay kontorolka xaduuda weli wey jirtaa
(1:06 min)
Polis och tull kontrollerar bilar som kommer över bron från Danmark.
Bolis kontorolaya gaadiidka ka soo tillaabaya buundada kala qaybisa Sweden iyo Danmark. sawir: Stig-Åke Jönsson/TT

Dowladda ayaa maanta shacisay in saddex bilood lagu darayo kontoroolka xaduudda.

Kontoroolka xaduudda Sweden ayey dowladda sheegtay in la kordhinayo waxii ka bilowda 12 november 2016 illaa iyo 11ka februari 2017, xilligas oo ah isku geyn saddex bilood. Sidas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed dhawaan ka soo baxay dowladda.

Anders Ygeman wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku tilmaamay sababta ay dowladda saddex bilood ugu dartay kontorolka xaduudda in ay weli jirta qatartii awalba meentay in xaduudda kontorol lagu soo rogo sannadkii hore.

- Go'aankan ma ahan qaadashadiisu ma aheyn mid sahlan, waayo kontorolka xaduudda waxuu culeys ku noqday dadka iskaga kala goosha buundada Öresundsbro, waxaana dooneynaa in aan wax ka baddelo qaabka kontorolka loo sameeyo si socotada looga qaado culeyska. waxaa rajeynayaa dhawaan in arrinkas aan isk afgaran doono dowladda Danmark, ayuu yeri Anders Ygeman wasiirka arrimaha gudaha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".