Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cunsuriyiin sabtida bannaan bax ku qabaneysa Stockholm

La daabacay fredag 11 november 2016 kl 13.28
"Waa koox aad cunsuri u ah"
(2:19 min)
Nordiska Motståndsrörelsen
Foto: Mats Öfwerström / Sveriges Radio

Kooxda cunsuriyiinta ah ee Nordiska Motståndsrörelsen, NMR, ayaa sabtida berrito banaan bax ku qabanya bartamaha Stockholm.

Kooxdan bannaan baxa waxay uga soo horjeedaan qaxootiga hal ku dhiga ay adeegsan doona waxuu yahay ”ha la joojiyo qulqulka shisheeyaha”.

– Waa koox aad cunsuri u ah oo demokaraatiyo diid ah, waxay si cad u baneystaan in hadefkooda ay ku gaaraan rabshada iyo gacan  ka hadal, sidaas waxaa tiri Anna-Lena Lordenius oo ah saxaafiyada u kuurgasha dhaq dhaqaaqyada xagjir ah.

 Kooxdan Nordiska Motståndsrörelsen, ayaa ah kox kacdoon doon ah oo mabaadiida nasiistiga aaminsan. Kooxdan ayaa ka dhisan inta badan waddamada waqooyiga Yurub, laakiiin hoggaankooda iyo sal-dhigooda waa dalkan Sweden. Kooxdan waayadii hore magacooda waxuu ahaa Nordiska Motståndsrörelsen i Sverige balse hadda magacooda waxay ku soo koobeen Nordiska Motståndsrörel,NMR, kadib markii ay ku xoogeysteen inta waqooyiga Yurub.

Sannad ka hor kooxdan waxay la yaaheen xisbi siyaasadeed oo matala kaas oo la oran jiray Svenskarnas parti, balse xisbigan ayaa gebi burburay sannadkii hore. NRM ayaa ah kooxda keliya Sweden ee sheegata in ay tahay nationalsocialist, isla mabda’ee ay aaminsanaayeen naasigii Jarmalka. Goolka kooxdan waxay tahay Sweden iyo waddamada Skandinavien in ay ka hirgeliyaan dowladda kalidii talis ah oo ku dhaqanta mabaadiida nasiistaha.

Sabtida ayey kooxda noocaan qorsheynayaan bartamaha Stockholm in ay ku maraan bannaan bax hal ku dhigiisu yahay ”hala joojiyo quulqulka shisheeyaha” shisheye waxay ka wadaan dadka aan yurubiyaanka aheyn gaar ahaan qaxootiga.

Bannaan baxooda waxay ka soo bilaabi doona Kungsträdsgården kuna tagi doonan Mynttorget oo u dhow baarlamaanka dalka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".