Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada qaxooti ee waxbarasho u gudba oo hooseeysa

La daabacay måndag 14 november 2016 kl 10.54
Kaalmo dhaqaale
(1:33 min)
Wasiirada suuqa shaqada Ylva Johansson.
Wasiirada suuqa shaqada Ylva Johansson. sawir: Claudio Bresciani/TT

Boqolkii ba 5 keliya qaxootiga ayaa ka dib barnaamijkaa nidaamka meeleeynta ee lagu magacaabo Etablering u gudba waxbarasho kale.

-Waa arrin la yaab leh, khaasatan marka aanu ognahay muuhimada ay waxbarashadu leedahay marka suuqa shaqada la soo galayo, ayey sheegtay wasiirada suuqa shaqada Iswiidhan Ylva Johansson.

Baadhitaankan ayaa eegay halka ay u gudbaan qaxootigu marka ay dhameeystaan wakhtiga loo yaqaano”etablering”

Halkaas ayaa laga arkay in boqolkii ba 52 weli ku jiraan barnaamij la dhigma etablering. Boqolkii ba 27 ayaa shaqo caadi ah u gudbay, badanka kuwan ayaa ay niman.

Hasayeeshe ayey boqolkii ba 5 keliya qaxootiga dhameeystiray wakhtiga etablering u gudbeen waxbarasho jaamacadeed amba dugsi sare.

Sababta ay tirodani u yartahay ayey filaysa Ylva Johansson xidhiidh la leedahay in qaxootigani ka baqanayaan in ay dib u bixin kari waayaan deeynta loo amaahdo waxbarashadda, ayey sheegtay Johansson.

Dawladda ayaa dhowaan shaacisay in dadka waxbarashadoodu hooseeyso bisha luulyo sannadka dambe loo bilaabi doono kaalmo dhaqaale. 15 000 oo qof ayaa lugu taageeraya 9000 oo koroon bishii si ay u bilaaban waxbarsho, ”studiestartsstöd”, sida ay dawladdu ugu magacaabtay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".