Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ardeyda dugsiga dhexe oo baqdin ka qaba in ay iskuulada ku qubeystaan

La daabacay tisdag 15 november 2016 kl 12.08
Ardeyda dalkaan oo ka baqda in iskuulada ku qubeystaan
(1:46 min)
Baadhitaankan ayaa laga arkay in caruurahan ka cabsadan qumeeysiga iskuulka.
Baadhitaankan ayaa laga arkay in caruurahan ka cabsadan qumeeysiga iskuulka. sawir: Claudio Bresciani / TT

Ardeyda dhigta dugsiyada dhexe, fasalka 7 ilaa 9:aad ee Iswiidhan ayaan rabin in ay qubeystaan ka dib marka ay xisadda cayaaraha ka soo baxaan.

Sababa ayaa ah in ay ka baqaya in filin laga qaado marka ay qubeyska ku jiraan amba ka xishoonayaan in jirkooda oo qaawan ay ardeyda kaleeto arkaan. Sidaasna waxaa lagu ogaadey baaritaan ay idaacadda Iswiidhan sameysey kaas oo arrinkaas qubeyska la xiriira  ka wareystey kumanaan ardey oo dhigata dugsiyada sare ee dalkaan Iswiidhan.

Sara Benjaminsson oo dhigata fasalka sagaalaad ee dugsiga Östersund ayaa iyadoo arrinkaas ka hadleysa waxaa ay tiri:

-Arrinkaani waa mid qofka shakhsiga ah khaas u ah , wax fiicanna ma aha in dad kale hortiis lagu qubeysto, ayey tiri Sara Benjaminsson oo dhigata fasalka sagaalaad ee dugsiga Östersund.

Baaritaankaan ay idaacadda Iswiidhan sameysey ayaa lagu ogaadey in qiyaas ahaan boqolkiiba lixdan, ardeydii arrinkaas laga wareystey ay sheegeen in aysan waligood ku hor qubeysan ardey kale.

Tusaale ahaan hal fasal oo ay dhigtaan 25 ardey ayaa 15 ardey oo fasalkaas ka mid ahi waxay sheegeen in ay marar dhif ah iskuulka ku qubeysteen.

Daniel Widell oo ah macalin xisadda cayaaraha ka dhiga dugsiga Slottskolan oo ku yaala degmada Borgholm ayaa sheegey in uu mar hore dareemey in ardeyda qaarkood aysan jecleyn in ay ardeyda kale ku hor qubeystaan, wuxuuna sheegey in arrinkaasi la xiriirto aragtida ay ka ardeydu ka qabaan sawiradda lagu soo daabaco aaladaha isgaarsiinta ee bulshadu isticmaasho, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

-Isla markii qof telefoon kor u qaado, waxaa dhacaya isku dhexyaac iyo iyadoo qof walbaa ka fakarayo muuqaalkiisa, ayuu yiri Daniel Widell oo ah macalin xisadda cayaaraha ka dhiga dugsiga Slottskolan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".