Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada doonaysa in ay guryahooda ka kireeyaan qaxooti oo yar

La daabacay tisdag 15 november 2016 kl 10.43
6000 qof oo bila guri ah
(1:52 min)
6000 oo qaxooti ayaa u baahan meel ay degan.
6000 oo qaxooti ayaa u baahan meel ay degan. sawir: Fredrik Sandberg/TT

70 qof keliya magaalada Stockholm ayaa doonaya in ay guryahooda ka kireeyaan qaxootiga waddanka cusub.

Tan ayaa cadaatay ka dib ay degmadda Stockholm caawimaad ka dalbatay dadka magaaladan degan.

In kasta ay tirodani yartahay marka loo barbardhigo inta qof ee Stockholm degan ayey Karin Bergsman oo xafiiska caydha hogaamisa ku faraxsantahay 70 qof ee doonaya in ay gacan caawimaad ah siiyaan qaxootigan.

–Aad ayaan ugu faraxsanahay, ayey sheegatay.

Waxaanay rajeeynaysa in ay tiradani korodho mustaqbalka.

Sida ay xaaladu hadda tahay ayey tiro gaadhaysa 6000 qaxooti u baahan yihiin meel ay ka degaan magaalada Stockholm.

-Hadda waxaan ku talo jirna in aanu la xidhiidhno shirkadaha guryaha kireeya, xitaa waxaan raadinayna guryo amba albeerkooyin meel ku gaadh ah oo lugu meeleen karo dadkan. Degmooyinka Kista, Vällingby iyo Hässelby ayaa ka sahlan kuwa kale marka dhinaca guryaha loo eego, ayey sheegtay Karin Bergsman.

Degmada Stockholm ayaa ballan ugu qaaday dadka guryahooda ka kireeya qaxootigan in ay ka bixiyaan 4000 oo koroon qol kasta oo banaan, 8000 kuwa guryahooda u wada baneeya dadkan iyo 12.000 oo koroon hadii u gurigu deeqi karo qoys dhan.

Dadka guryahan loogu talo galay ayaa ah qoysaska amba caruuraha kelinimo waddanka ku yimid hasayeeshe sharciga degaanashaha helay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".