Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Habka lugu qiyaaso da'da dhallaanka is dhiiba oo shaki laga qabo

La daabacay tisdag 15 november 2016 kl 15.00
Hab la rabey in lagu ogaado da'da dhallanka dalkaan iska dhiiba oo shaki la gal
(1:14 min)
Nidaamka lugu qiimeeyo da´da dadkan oo la dhaleecayey.
Nidaamka lugu qiimeeyo da´da dadkan oo la dhaleecayey. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Iyadoo dalkaan Iswiidhan uu sanadka soo socda ka hirgali doono nidaam cusub oo la rabo in baaritaano caafimaad ka dib lagu ogaado da’da ay dhab ahaantii jiraan dadka ku kaca falalka danbi kuwaas oo aan heysan aqoonsi caddeynaya da’da ay jiraan , ayaa hadana maxkamadda arrimaha caafimaadka go’aamisey in wax ka qaldan yihiin nidaamkaas.

Maxkamaddan ayaa sheegtey in ay jiraan goldaloolooyin iyo iimo diidaya in habkaas loo isticmaalo baaritaanada danbiyada la galo.

Ann Lemne oo iyadu mashruucaan u qaabilsan maxkamadda arrimaha caafimaadka ayaa tiri:

-Habka aan hadda isticmaalnaa waa mid ku haboon dadka da’doodu tahay 18 jir laakiin way adag tahay in isla nidaamkaas lagu qiimeeyo qof 15 jir ah, ayey tiri Ann Lemne oo iyadu mashruucaan u qaabilsan maxkamadda arrimaha caafimaadka.

Go’aankaan maxkamadda caafimaadka ayaa si toos ah uga hor imaanaya hab hey’adda socdaalka dalkaani ay rabtey hirgalintiisa, kaas oo lagu doonayey in dhalaanka magangalyo doonka ah ee dalkaan Iswiidhan iska dhiibey kuwaas oo da’doodu 18 sano ka yar tahay, lagu ogaado da’da dhabta ah oo ay jiraan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".