Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin lugu tuhmay in uu isku diyaariyay dembi argagaxisnimo oo la xidhay

La daabacay onsdag 16 november 2016 kl 11.33
Leif Silbersky:"Waa go'aan yaab leh"
(1:12 min)
Ninkan ayaa lugu tuhmaya in fal argagaxisnimo ka galay Uppsala.
Ninkan ayaa lugu tuhmaya in fal argagaxisnimo ka galay Uppsala. sawir: OLA TORKELSSON / TT

Ninkii lugu tuhunsanaa in u dembi argagaxisnimo isku diyaariyay in uu ka galo gobolada Uppsala iyo Stockholm ayaa la go´aamiyay in xabsiga lugu hayo.

Warbixintaas ayaa ka timid xeer ilaaliyaha kiiskan Ewamari Häggkvist oo heerka tuhunkan kor u qaaday.

Shakhsigan ayaa axadii habeenimo lugu qabtay gobolka Uppsala ka dib marka laga shakiyay in u dembi argagaxisnimo isku diyaariyay in u ka galo gobolada Uppsala iyo Stockholm.

Ninka tuhunkan lugu hayo ayaa ah 33 jir ku nool magaalada Håbo.

Qareenka ninkan Leif Silbersky ayaan go´aanka xeerilaaliyaha u arka khalad:

-Waa go´aan aan la yaabay. Xitaa macmiilkeeyga wareeysi larama yeelaan inta aana la qaadin go´aankan. Sido kale ayey ila tahay in boolisku iyo xeer ilaaliyihu ii wada sheegin warbixinta ay iyagu ka hayaan ninkan. Macluumaadka aan ka hayo ninkani maaha mid qof lugu xidhi karo, ayuu sheegay Leif Silbersky qareenka 33 jirka.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".