Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo ku talaabsatey sharciyo cusub oo sinaanta la xiriira

La daabacay onsdag 16 november 2016 kl 13.39
Morgan Johansson wasiirka socdaalka,Åsa Regner wasiirada siinaanta iyo Gustav Fridolin wasiirka waxbarashada.
Morgan Johansson wasiirka socdaalka,Åsa Regner wasiirada siinaanta iyo Gustav Fridolin wasiirka waxbarashada. sawir: Anders Wiklund/TT

Dawladda dalkaan Iswiidhan ayaa maanta go’aamisey qorshe wax looga qabanayo gacan ka hadalka raggu u geystaan haweenka.

Waxaa kaloo isla qorshahaas ku jira in la siyaadiyo ka hortagga falalka danbi ee la xiriira dilka ama gacan ka hadalka waxa loo yaqaano sharaf dhowrka qoyska, af-iswiidish hedersrelaterat våld.

Dawladda ayaa dhanka kale rabta in ay wax ka qabato farqiyada mushaarada ee u dhexeeya ragga iyo dumarka shaqaalaha ah ee dalkaan Iswiidhan.

Wasiirka sinaanta dalkaan Iswiidhan Åsa Regner oo ka hadleysa arrimahaas dawladdu rabto in ay ku dhaqaaqdo ayaa waxa ay tiri:

-Wax yar ayaa laga qabtey ka hortagga gacan ka hadalka dumarka loo geysto,waxaan kaloo dalkaan Iswiidhan ka sameyn doonaa baaritaan ku saabsan gacan ka hadalka sharaf qoyseedka la xiriira kaas oo aan dalkaan laga sameyn ilaa iyo sanadkii 2009-kii , waxaana muuqata in mid cusub imminka loo baahan yahay, ayey tiri wasiirka sinaanta dalkaan Iswiidhan Åsa Regner.

Dawladda ayaa dhanka kale mustaqbalka rabta in ay soo bandhigto laba qorshe oo la xiriira sinaanta dhanka waxbarashada iyo caafimaadka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".