Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cudurka raja xumada oo ku dhacey ilmo ka badan intii la filayey

La daabacay torsdag 17 november 2016 kl 10.22
Cudurka raja xumada oo ku dhacey ilmo ka badan intii la filayey
(1:44 min)
Caruur cudurkan la ildaran.
Caruur cudurkan la ildaran. sawir: Malin Hoelstad / SvD / TT

Tirakoob cusub ka yimid hay’adda dalkaan Iswiidhan u qaabilsan arrimaha bulshada ayaa muujinaya in sanadkii hore lala tacaalayey daaweeyntooda 58 ilmood oo la ildaran xanuunka raja xumada, af-iswiidish apatisk.

Hooyo aan hadda ku magacaabeyno Gozel balse kaasi uusan aheyn magaceeda runta ah, ayaa heysata gabar 12 jir ah oo cudurkaas raja xumada ah la ildaran , waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

-Lixdii bilood ee u danbeysey waxaan dhammaanteed joogney guriga, waxna waan ka qabanweyney arrinkeeda.Waxaan ka badalnaa banbarka, sidoo kalana markaan la hadalnaba waxaanu is weeydiina waxa ku dhacey waxa ay yihiin, ayey tiri Gozel oo dhashey gabar yar oo la ildaran cudurka raja xumada.

Guud ahaan dadka cudurkaas raja xumadu ku dhacey sannadkii hore ayaa dhammaa 64 qof kuwaas oo 58 ay caruur ahaayeen da’doodu ka yar tahay 18 jir.

Mikael Billing oo madax waaxeed ka ah xarun qaabilsan cilmi nafsiga caruurta iyo dhallinyarada ayaa isagoo ka hadlaya sababta ay kor u kaceen caruurta cuduradaan qabaa waxaa uu yiri:

-Waxaa tuhunsanahay in sababtaas badankeedu tahay iyadoo ay aad kor ugu kaceen caruuraha magangalyo doonka ah ee Iswiidhan yimid khaasatan sanadkii 2015-kii.Qofku markuu ilma qaxooti ah yahayna waxaa ku badanaya noocya kala duwan oo walwal ah taas oo siyaadineysa khatarta ah in ilmahaas ay ku dhacaan cudurada madaxa iyo xiska ku dhaca.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".