Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Muddo toddobaad ah in ruumka lagu sii hayo

La daabacay torsdag 17 november 2016 kl 14.01
maxkamad la xiriirta isu diyaarin fal argagixis-nimo
(2:33 min)
Leif Silbersky oo difaacaya 33-jir lagu soo oogay u diyaargarow fal argagixis-nimo.
Leif Silbersky oo difaacaya 33-jir lagu soo oogay u diyaargarow fal argagixis-nimo. sawir: Sawirle: Janerik Henriksson/TT

Dacwad saaka tobankii ka furantay maxkamadda degmada Stockholm ayaa looga xaajoonayey go’aan la xiriira in ruumka la dhigo iyo in kale 33-jir.

 Ninkan oo lagu tuhun-san yahay dembi la xiriira isu diyaarin fal-argagixis-nimo, iyadoona kolkii ay maxkamaddu dhageeysatey garabyadii kala duwanaa ay go’aamisay in ninkaasi ruumka la dhigo.

Xeer-ilaaliye Ewamari Häggkvist, kana howl-gasha laanta dembi-ku oogista dacwadaha la xiriira ammaanka oo qoraal-saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in aanay jirin wax faallo ah oo ay go’aanka maxkamadda iyo dacwaddaba ka bixin doonto. Hase yeeshee uu qareenka 33-jirka, Leif Silbersky sheegay in middaasi muujineeyso sida ay khafiifka u tahay dacwadda ninkan lagu soo oogay iyo in eedeeysanaha uu matalayaa iska dheereeyay dhammaan dacwooyinka lagu eedeeyey:

- kubbaddu waxay iminka la taal xeer-ilaaliyaha, waana inay si degdeg ah ula timaado caddeeymo hor leh, waayo waxay haysataa muddo 

Ninkan la tuhun-san yahay oo ku dhaqan nawaaxiga Bålsta oo u dhaxeeysa Stockholm iyo Uppsala ayaa la gaarsiiyey codsi maxkamadda degmada Uppsala in ruumka lagu hayo, iyadoona ay xeer-ilaaliyaha iyo hayadda nabadsugidduba oo baarista arrimmahan ku howlan ka gaabsadeen iney wax faahfaahin ah ka bixiyaan.

Ninkan tuhunka lagu soo oogey ayaa ku faafiyay bogga shaashadda internet-ka ee Facebook qoraallo ajnabi naceyb ah.

Mid ka mid ah qaraabadii ninkan ayaa sheegay inuu 33-jirku qabay fikirro lid ku ah soo-galootiga, hase yeeshee aanu ahayn qof lagu yaqaanno inuu xoog isticmaalo. Isla-markaana uu hubo in ninkan qaraabadiis ah aannu wax dembi ah lahayn.

Gar-yaqaan Leif Silbersky, ayaa sheegay in macmiilkiisu uu aad u dareemayo culeeys, isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu yiri:

- Halka waxaannu kaga hadleeynaa mid ka mid ah dacwooyinka ugu culus ee la isku soo eedeeyo, hase yeeshee maxkamaddu waa ay aqbali wayday in heerka eedeeynta kor loo qaado, sida uu sheegay Leif Silbersky.

Isha/ Ekot.

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".