Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sharci cusub oo lagu joojinayo masaafurinta dhallinyarada qaxootiga ah

La daabacay fredag 18 november 2016 kl 10.05
Sharci cusub oo lagu joojinayo masaafurinta dhallinyarada qaxootiga ah
(1:39 min)
Morgan Johansson, wasiirka socdaalka Sweden. Sawirle: Jessica Gow/TT
Morgan Johansson, wasiirka socdaalka Sweden. Sawirle: Jessica Gow/TT sawir: Sawirle: Jessica Gow/TT

Dawladda dalkaan Iswiidhan ayaa ku fakareysa in ay sharciga wax ka badasho si dhallaanka qaxootiga ah ee aan la masaafurin karin u sii joogaan dalkaan Iswiidhan haddii ay aadaan iskuulada, sidaasna waxaa sheegtey  waaxda wararka idaacadda Iswiidhan ee Ekot.

Waaxda wararka idaacadaa Iswiidhan ee Ekot ayaa horey uga warantey in ay yaraadeen dhallaanka kali socodka ah ee dalkaan Iswiidhan ku nagaanaya ka dib markii hey’adda socdaalku bilawdey in ay sharciyo ku meel gaar ah siiso dhallaanka dalkaan iska dhiibey iyagoo aan qaangaar aheyn markaas ka dibna la masaafuriyo marka ay da’ ahaan gaaraan 18 sano jir.

Dhalaankaan oo dhawr kun oo qof  gaaraya ayaa badankooda waxaa dib loogu celinayaa dalka Afqaanistaan.

Dawladda oo arrinkaas canbaareyno xoog lihi uga yimaadeen ayaa hadda rabta in ay baarlamaanka dalkaan soo hordhigto sharci cusub oo ay arrinkaas wax uga badaleyso laakiin waxay u baahan tahay in ay taageero cod ka hesho xisbiyada kale ee baarlamaanka dalkaan xubnaha ku leh.

Wasiirka socdaalka iyo caddaalada dalkaan Iswiidhan Morgan Johansson ayaa xaqiijiyey in ay dawladdu diyaarineyso dib u eegid ay sharcigaas ku sameyso taas oo caruurtaas iyo dhallinyaradaas u suurta galineysa in ay dalkaan ku sii nagaadaan ilaa iyo inta ay waxbarashadooda iskuulka ka dhameysanayaan.

Wasiirka socdaalka iyo caddaalada dalkaan Iswiidhan Morgan Johansson ayaa ka gaabsadey in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo sharcigaas iyo waxa uu xanbaarsan yahay, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

  • Waxaa jirta rajo ah in dhallaankaas loo suurtagaliyo in ay waxbarashadooda dugsiga sare dhammeystaan, waxaanuna hadda gacanta ku heynaa diyaarinta sharci arrinkaas la xiriira.Waxaan sidoo kale qiimeyn ku sameyn doonaa marka ay waxbarashadaas dhameystaan bal sida xaalka dalkii ay ka yimaadeen yahay ,ayuu yiri Wasiirka socdaalka iyo caddaalada dalkaan Iswiidhan Morgan Johansson.
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".