Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallaan badan oo waalidkood u tarjuma

La daabacay måndag 21 november 2016 kl 10.02
Dhallaan waalidkood u tarjuma
(1:59 min)
Benjamin Salazar Lopez ayaa ahaa toddoba jir markii ugu horreeysay oo uu waalidkii u tarjumo.
Benjamin Salazar Lopez ayaa ahaa toddoba jir markii ugu horreeysay oo uu waalidkii u tarjumo. sawir: Sawirle: Sukran Kavak

Barnaamij ka baxa laanta idaacadda P1 ee Tendens ayay ku caddaatay iney dhallaan badani u tarjumaan waalidiintood.

Dhallaan tiradoodu gaarsiisan tahay 400, da’dooduna u dhaxeeyso 13-14 jir oo ka soo jeeda dalka dibaddiisa oo ay wareeysi la yeelatay laanta idaacadda P1 ee Tendens ey ku sheegeen iney ugu yaraan mar uga tarjumeen goobaha caafimaadka waalidkii dhalay.

– Marba haddii laga hadlayo cusbitaaladawaa mid dhib badan, waayo waxaa jira erayo aad u dhib badan oo aanan awoodin. Ciddaaan u tarjumaayo waxay iga sugeeysaa jawaab anna ma hayo wax aan iraahdo.

Benjamin Salazar Lopez ayaabilaabay inuu af-celiye noqdo isaga oo toddoba jir ah. Maanta waa 13-jirwuxuuna sheegay inay dhacdo inuu maalin walba tarjumo.

Falkan ayaan ahayn mid isaga u gaar ah,sida ku caddaatay wareeysiyo uu barnaamijka Tendens la yeeshay 400 dhallaankana mid ah kuwooda ku dhaqan xaafadaha ey ajaaniibtu ku badan yihiin eemagaalooyinka Stockholm, Västerås iyo Luleå, iyadoona qaar badan oodhallaankaasi ka mid ahi sheegeen iney ugu yaraan mar u tarjumeen waalidkiidhalay ama qaraabadood, halka qaar kalena sheegeen iney maalin walba la soogudboonaato.

Dalka Noorway ayaa laga mamnuucay iney hayaduhu isticmaalaan dhallaan af-celiya wixii ka dambeeyaykoowdii bishii luulyo ee sannadkan eynu ku jirno. Hase yeeshee aanu xeer midkaala mid ahi ka jirin dalka Sweden.

Isha/ Ekot.

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".