Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

33-jirkii ruumka ku jiray oo oodda laga qaadey

La daabacay måndag 21 november 2016 kl 12.18
Leif Silbersky oo difaacaya 33-jir lagu soo oogay u diyaargarow fal argagixis-nimo.
Leif Silbersky oo difaacaya 33-jir lagu soo oogay u diyaargarow fal argagixis-nimo. sawir: Sawirle: Janerik Henriksson/TT

Wiilkii 33 jirka ahaa ee ruumka lagu hayey ayaa oodda laga qaaday, sida ay sheegtay hayadda guud ee xeer-ilaaliyeyaasha dalka.

Khamiistii ina dhaaftay ayay ahayd kolkiiay maxkamadda magaalada Stockholm go’aamisay in ruumka lagu sii hayo 33-jirka,iyadoona maalintii xigtay ee jimcaha saacaddu kolkay ahayd 16:30 oodda laga qaaday.

Gara-yaqaanka eedeeysanaha Leif Silbersky ayaayiri mar uu ka warramayay go’aanka maxkamaddu gaartay:

– Waa tallaabo sax ah ayaa warreeysiyo maantalala yeeshay farta ku fiiqay goobo su’aallo laga qabay iyadoona lagu qancayjawaabihii uu ka bixiyay su’aalihii la weeydiiyey. Halkaasi oo ey ka caddaadeenin aan lagu hayn waxyaabo cadcad, sidaa daraadeedna oodda looga qaadey, sida uusheegay Leif Silbersky oo u warramayay laanta warararka idaacadda ee Ekot.

Leif Silbersky ayaad u dhaleeceeysan habka loo maareeyey baarista 33-jirka la tuhunka lagaqabay, isagoona aaminsanaa inay ahayd in horay loo sii daayo.

– Waxaan rajeeynayay in khamiistii shalayaahaydba oodda laga qaado. Iminka waxay muddadaasi raagtay 24 saacadood, sidauu sheegay.

Isha/ Ekot.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".