Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Shirkadda Ericsson oo lagu tuhunsan yahay wax is daba marin

La cusbooneeyay onsdag 23 november 2016 kl 10.51
La daabacay onsdag 23 november 2016 kl 09.56
Ericssons oo lagu tuhun-san yahay laaluush ay madax-wayne siisay. Grafik: Liv Widell
Ericssons oo lagu tuhun-san yahay laaluush ay madax-wayne siisay. Grafik: Liv Widell

Gabagabadii sannadihii sagaashameeyadii iyobilowgii labada kun ayay shirkadda telefoonnada ee Ericsson si joogta ah ugu tallaabsanaysay falal laaluush bixin.

Tallaabooyinkaasina oo ay shirkaddu ku dhaqaaqday kol ay qandaraas ka qayb qaadanaysay,sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxdii shirkadda horay uga soo howl-galey oo u warramey laanta wararka ee idaacadda Ekot.

Dadyoowga lagu tuhun-san yahay in shirkadda Ericsson laaluushka siisay ayuu ka mid yahay madax-waynihii dalka Koosta Riika ee waagaasi.

Xilligii dayrta ee sannadkii 1999 ayay ahayd kolkii ay shirkaddatelefoonnada Ericsson ay laaluush ku bixisay lacag gaarsii-san 2,5 malyan oo koron, iyadoona dhaqaalahaasi la dhigay khasnad bangi oo ku taala dalka Panama. Iyadoona sida ku cad war-bixinno ay laanta wararka Ekot heshay uu khasnaddaasi lahaa ama gacanta ku hayay madax-waynihii waagaasi ee dalka Costa Ricas oo lagu magacaabi jiray Miguel Angel Rodriguez.

Laaluush bixintaa ayaa ku aadanayd mar ay shirkadda Ericsson qandaraas ballaaran oo qaran ka doonaysay Costa Rica oo ka socday.

Garyaqaan Peter Utterström oo ka mid ah gar-yaqaannada dalka Sweden ugu caan-san ee culuun ballaaran u leh falalka laaluushka ayaa qayb ka qaatay war-bixinta laanta wararka idaacadda ee Ekot:

– Waa xaalad halis ah haddii ay dhacdadaasi dhab tahay, sida uu sheegay.

Isha/ Ekot.

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".