Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Xildhibaan Sweden u matala EU oo digniin la siiyey

La daabacay onsdag 23 november 2016 kl 11.39
Jasenko Selimovic mudane ka tir-san xil-dhibaannada baarlamanka EU u metela dalka Sweden qaasatan xisbiga Liberalerna. 	sdltb889926 sdltb889af4
Jasenko Selimovic mudane ka tir-san xil-dhibaannada baarlamanka EU u metela dalka Sweden qaasatan xisbiga Liberalerna. sawir: Sawirle: Cecilia Klintö/TT, Frederick Florin/TT.

Maanta ayuu jawaab ka bixiyay xil-dhibaan ka mid ah xil-dhibaannada dalka Sweden u metela xubnaha baarlamanka EU, kana tir-sanxisbiga Liberalerna (L) digniin la siiyay.

Digniint uu shalayto xil-dhibaanku ka helay hoggaanka baarlamanka ayaa ku saabsanayd handadaad iyo culays uu saaray shaqaalihii u howl-galayay xil-dhibaanka.

– Waxaan si murugo leh u qaabilay digniintii uu af-hayeenkabaarlamanka EU Schulz iiga soo gudbiyay shaqaale horay iila howl-geli jiray iyodacwooyinkii ey iga gudbiyeen. Go’aanka hoggaanka aad waan ixtiraamayaa, haseyeeshee ma aaminsani inaan gef anigu galay, sida uu sheegay Jasenko Selimovic(L) oo ka faalloonayay, isagoo hadalkii sii watana sheegay:

– Waa arrin aan iga suurtoobin inaan shaqaale iga hoos shaqeeyaaan culays saaro. Xaaladdani waxay ahayd mid aad i dhibtay iminkana waxaandiyaar u ahay sidaan mar kale xoogga isugu geeyn lahaa howlahaygaxil-dhibaan-nimo ee baarlamanka. Waxaan sidoo kale aad ugu farax-sanahay inmaanta ey howluhu si wanaag-san noogu socdaan aniga iyo shaqaalahaygu.

Isha/ Ekot.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".