Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qorshe cusub ee la xiriira ka hortagga nacaybka

La cusbooneeyay onsdag 23 november 2016 kl 17.09
La daabacay onsdag 23 november 2016 kl 16.25
Alic Bah Kunke (MP), wasiirka dhaqanka iyo dimoqoraadiyadda iyo Anders Ygeman (S), wasiirka arrimmaha gudaha Sweden.
sawir: Fredrik Sandberg/TT

Dawladda ayaa maanta soo saartay qorshe cusub oo looga hortageyo ka hor-tagga naceeybka iyo faqooqa.

Qaasatan kolka laga hadleyo nacaybka iyo faqooqa la isugu geeysto aaladda internet-ka.

- Faqooqu waa xaalad aad u adag kolka la dooneyo in la dhiso bulsho mideey-san. Waa in si joogto oo mideeysan aannu uga hor-tagno faqooqa, sida ay sheegtay wasiiradda dhaqanka iyo dimoqoraadiyadda Alice Bah Kuhnke (MP) oo shir jaraa’id maanta qabatay.

Qorshaha ay dawladdu soo ban-dhigtay ee ka hor-tagga nacaybka iyo faqooqa ayaa lagu tilmaamey istaraatiijiyad ka kooban shan qaybood: Aqoon kororsi dheeraad ah, tacliin iyo cilmi-baaris, howlaha oo la mideeyo iyo raad-raac, kor u kac taageerada ururrada rayidka, dardar-gelin ka hor-tagga nacaybka ee aaladda internet-ka iyo sidoo kale in la xoojiyo ka qayb ahaanshaha hayadaha cadaaladda.

Wasiirka arrimmaha gudaha Sweden Anders Ygeman (S) ayaa sheegay in tooshka lagu ifin doono shaashadaha internet-ka oo ey ku badan yihiin ama caadiyanba lagu qoro fikirrada ama faalooyinka faqooqa.

- Waxaannu dooneynaa in aannu wada xaajood la yeelano dadyowga mulkida u leh ama gacanta ku haya shaashadahaa annaga oo weliba dooneyna in aannu ka saarno cidda jebineeysa xeerarka, sida uu wasiirku sheegay. Isaga oo hadalkiisii sii watana wuxuu yiri:

- Qorshe aannu soo ban-dhigney ayaa ah in xittaa dadyoowga transperson-ka ah (dadyoowga sinjiga bedesha) lagu daro xeerka nacaybka kooxaha. Waxaa sidoo kale muhiim ah in si guud loola dagaalamo nacaybka iyo faqooqa, middaasina oo aan horay loogu tallaab-san, sida uu sheegay Anders Ygeman.

Isha/ TT.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".