Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga dugsiga sare bilaabay oo aan la masaafurin karin

La daabacay torsdag 24 november 2016 kl 10.01
Gustav Fridolin:"Wexeey ku xidhantahay xaalada ka jirta wadamadooda"
(2:09 min)
Qaxootiga ku jira dugsiga sare ayaan la masaafurin karin wakhtiga ay waxbarashada ku jiraan.
Qaxootiga ku jira dugsiga sare ayaan la masaafurin karin wakhtiga ay waxbarashada ku jiraan. sawir: Erik Nylander/TT

Dawladda waddanka hogaamisa ayaa bandhigtay hinise sharci sheegaya in caruuraha kelinimada waddanka ku yimaada la masaafurin karin wakhtiga ay waxbarashada dugsiga sare ee gymnasiet ku jiraan.

Hasayeeshe ayaa loo baahan yahay in uu hindisahani taageero ka helo xisbiyada barlamaanka Iswiidhan ka tirsan.

Gustav Fridolin ayaa ah wassiirka waxbarashada Iswiidhan.

-Caruurahan ayaa xaalad xun ku sugan. Islamarkaas ayey macalliimiinta waddanka ka cabanayaan caruurahan oo welwel iyo baqdin ku yimaada casharada. Kuwan ayaa isweeydiinaya sababta ay wax u dhigan lahaayeen hadii kolayba la masaafurin doono maalinta ay gaadhan 18 jir. Marka waxaanu doonayna in caruurahan ka saarno baqdinta si ay xooga u saaraan waxbarashada wakhtiga ay halkaan joogaan. Waxaan ku talo jirna in wakhtiga u dheereeyno, 4 sanno sida uu qorshahu hadda yahay, ayuu sheegay Gustav Fridolin wassiirka waxbarshada Iswiidhan.

Hindisahan sharci ayaa loogu talo galay caruuraha waddanka kelinimada ku yimaada hasayeeshe waddamadooda lugu celin karin madama ay halkaas jirin dawlad qaabili karta. Waagi hore kuwan waxaa la siin jiray sharci joogto ah. Laakin tan ayaa u surtogali wayday dawladda oo hadda doonaysa in ay ugu yaraan 4 sanno ugu ballan qaadaan caruurahan hadii uu hindisahani taageero ka helo barlamaanka.

Hasayeeshe ayuu sheegay Gustav Fridolin in uu aaminsanyahay in wakhti intaas ka dheer la siin karo qaar ka mid ah caruurahan.

-Wexeey ku xidhan tahay si ay xaaladu ka tahay wadamadooda, ayuu yidhi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".