Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Peter Eriksson: Qayb ka noqo

La daabacay fredag 25 november 2016 kl 14.06
Wasiirka guriyeeynta Peter Eriksson (MP).
Wasiirka guriyeeynta Peter Eriksson (MP). sawir: Sawirle: Ronnie Ritterland / Sveriges Radio

Wasiirka guriyeeynta Sweden Peter Eriksson ayaa soo jeediyay in afarta xil-dhibaan ee xisbigiisa baaralamanka kaga jira ee aan kaqayb qaadan kullammada MP ey xisbiga isaga baxaan.

Halka ey dhanka kale Isabella Lövin oo ka mid ah labada hoggaamiye ee xisbiga dooga (MP) iska dheereeysay dhaleeceeyn saaka loo soo jeediyay ee lagu daabacay war-geeyska Dagens Nyheter.

Peter Eriksson, wasiirka guriyeeynta, isla-markaana horay u ahaan jiray mid ka mid ah labada hoggaamiye ee xisbiga Doogga (MP) ayaa ugu baaqay in afarta xil-dhibaan ee ka fallaagoobey xisbigu aqbalaan iney go’aannada xil-dhibaannada xisbigu gaaraan yihiin mid ku saleey-san habka dimoqoraadiyada. Mararka qaarkoodna yihiin go’aanno adag oo aan ka farxin dadka oo dhan.  

– Ama haddii kale iney xil-dhibaannadaasi xisbiga isaga baxaan oo ey xisbi kale ku biiraan, sida uu sheegay Peter Eriksson, wasiirka guriyeeynta Sweden.

Isha/ Ekot.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".