Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qabasho qatarteeda leh oo loo adeegsado dadka la masaafurinayo

La daabacay måndag 28 november 2016 kl 09.45
Kaliber
Kaliber sawir: Illustration: Giuseppe Cristiano

Marka ay hey’adda Kriminalvården si qasab ah dalka uga masaafurineysa qof waxay adeegsataa farsamo qabasho oo qatar badan.

Sidaas maanta waxaa ka shifay barnaamijka Kaliber ee ka baxa Raadiyaha Sweden.

Farsamadan qabasho ayaa dhaqaatiir ku sheegtay sababtii keentay geerida nin waddanka qasab looga masaafurinayey sannadkii 2015.

Ingemar Thiblin oo ah barafesor ka howl-gala jamacadda Uppsala ayaa ku tilmaamay farsamadan mid qatarteeda leh.

 – Waxaan aaminsanahay in aysan aheyn farsamo wanaagsan. Waa farsamo qatar badan, ayuu yeri.

Qabashada noocaan horey waxaa u adeegsan jiray ciidanka boliska, balse boliska way joojiyeen adeegsada farsamadan maamadaame ay tahay mid qatar badan. Balse hey’adda Kriminalvården (Cidanka asluubta) ayaa weli farsamadan adeegsada marka ay dalka qasab kaga masaafurinayaan.

Hey’adda ayaa hadda sheegtay in dib u eegis ku sameyneyso qaabkan qabasho ee ay adeegsato.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".