Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ururka Soomaaliland oo lacag u ururinaya abaarta Soomaaliya

La daabacay måndag 28 november 2016 kl 11.53
Saalax Muuse Xassan:"Waxaan filayna 45.000 oo koroon"
(2:29 min)
Saalax Muuse Xassan gudoomiyaha ururka Soomaalilaand ee magaalada Stockholm.
Saalax Muuse Xassan gudoomiyaha ururka Soomaalilaand ee magaalada Stockholm. sawir: Muna Ismaacil.

Xalay habeenimadii ayey dhowr qofi iskugu yimaadeen daarta dadweeynaha Folkets hus ee xaafada Rinkeby si ay wax uga qaabtaan xaalada adag ee ka jirta Soomaalilaand.

Saalax Muuse Xassan  gudoomiye ka ah ururka soomaaliland ee magaalada Stockholm islamarkaasna qabanqaabiyay kulankan. Ururkan ayaa todobaadkii ugu dambeeyay ku jiray lacag ururin ku saabsan biyo la´aanta iyo abaarta xooga leh ee hadda soomaaliland ka taagan. Saameeyn xun ayey ku haysa dhammaan bulshadda somaaliland, dadka miiga ku sugan oo dhulkii ka qalalay iyo magaalooyinka oo aan xoolo iib ah laga heleeyn, ayuu sheegay.

In kasta oo u gudoomiye Saalax Muse jeclaan lahaa in ay lacag gaadhaysa 200.000 oo koroon amba in intaas ka badan loo ururiyo dadka ku nool abaartan ayuu filaya in 45.000 oo koroon soo gaadhi doonto ururka soomaaliland. Badanka lacagta ayaa ka imanaysa qaar ka mid ah soomaalida Iswiidhan.

Labadii maalmo ee ugu dambeeyay ayuu roob ka da´ay waqooyiga soomaaliya, in kasta oo u ku faraxsanyahay warbixintan ayuu sheegay in aaney sameeynayn lacag ururinta ururka soomaaliland oo sidu qorshahu hadda yahay sii socon doona, ayuu yidhi Saalax Muuse Xassan guddomiyaha ururka Soomaaliland ee Stockholm.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".