Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lundin Petroleum oo dembi xaquuqul insaanka ka dhan ah loo heysto

La daabacay måndag 28 november 2016 kl 13.27
En nedbränd by i Sudan. Foto: Sarah El Deeb/Scanpix.
Shirkada Ludin Petroleum waxaa lagu eedeynayaa in dhaqaale ku siisay dowladda Sudan si ay boqolaal kun oo qof uga qaxiso goobo ay shirkadda dooneysay shidaal in ay ka baarto.

Sida uu tabiyey wargeyska Aftonblandet guddomiyaha iyo maareeyaha shirkadda Lundin Petroleum ayaa maanta loo gacan-geliyey dacwad ah dembi ka dhan ah xaquuqul insaanka.

Dembigan loo heysta maamulka shirkadda ayaa dabo socda qaabkii ay shirkaddan uga howl-gali jirtay dalka Sudan.

Shirkaddan oo waayadii hore la oran jiray Lundin Oil ayaa lagu tuhmayaa sida uu qorey wargeyska in sanadyadii 1997-2003 ay gashay dembo ka dhan ah xaquuqul insaanka kadib markii shirkadda ay dhaqaalo ku taageertay ciidamada rejimka dalka Sudan oo xilligan dagaalo sokeeya dalkan ka socdeen dad badan ka qaxiyey meel ay shirkadda Lundin Oil dooneysay in ay ka badho ama ka qodo shidaal.

Dad kor u dhaafaya 12 000 ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaaladan ayna ku bara kaceen dad kor u dhaafaya 160 000, kuwas oo laga qaxiyey goobta ay shirkaddan Lundin Oil dooneysay shidaal in ay ka baarto, sida uu qorey Aftonbladet.

Laakiin dembiga lagu eedeynayo maamulka shirkadda ee maanta loo gacan geliyey micnahiisa ma ahan in dacwad lagu soo oogi dono madaxda shirkadda. Madaxa saxaafadda ee shirkadda ayaa sheegay in ay caadi tahay in laysku gacan-geliyo dokumenti ay ku qoran yahiin edeymo balse micnaheeda aysan aheyn in dacwad ugu dembeyn la soo oogi doono, ayuu yeri mar uu la hadlayey wargeyska Aftonbladet.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".