Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Natiijada tartan caalami ah xisaabta iyo sayniska oo la baahiyey

La daabacay tisdag 29 november 2016 kl 09.52
Ardeyda Iswiidhishka oo ay kor u kacdey aqoontooda dhanka xisaabta
(1:25 min)
Arday xiisad ku jirta.
Arday xiisad ku jirta. sawir: Sawirle:Henrik Montgomery/TT

Ardeyda Iswiidhishka ah ee fasalka afraad iyo kan sideedaad ayaa waxaa kor u kacey aqoontooda dhanka maadooyinka xisaabta iyo Fisikiska, marka la barbardhigo heerkii ay joogeen sanadkii 2011-kii, sida ay sheegtey hey’adda caalamiga ah ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano TIMSS.

Wasiirka waxbarashada dalkaan Iswiidhan Gustav Fridolin ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri:

  • Arrinkaani waa guul u soo hoyatey macalimiinta Iswiidhishka ah , maamulayaasha dugsiyada iyo ardeyda intaba.Dhibic kasta oo waxbarashada ardeydaas ku siyaadeyna waxaa ka danbeysa hawl aad u balaaran oo la qabtey, ayuu yiri wasiirka waxbarashada dalkaan Iswiidhan Gustav Fridolin.

Maria Axelsson oo iyadu qaabilsan u kuurgalka waxbarashada ardeyda yar yar ayaa waxaa tiri:

  • Waa war farxad leh in aan maqalno in ardeyda aqoontooda maadooyinku siyaadey khaasatan ka dib markii muddooyin badan la hadalhayey warar arrinkaas ku saabsan oo aan wanaagsaneyn, ayey tiri Maria Axelsson oo iyadu qaabilsan u kuurgalka waxbarashada ardeyda yar yar.

7700 oo ardey oo dhigata 274 dugsi sare iyo 8 000 oo ardey oo fasalada afraad iyo sideedaad ah, dhigatana 294 iskuul hoose dhexe ayaa baaritaankaan guud ka qeybgashey.

 Natiijada ay hey’adda caalamiga ah ee TIMSS ka soo saartey ardeyda Iswiidhishka ah ayaa aheyd sidan hoos ku qoran:

-Xisaabta fasalka afraad: 519 dhibcood (15 dhibcood oo ku siyaadey laga soo bilaabo sanadkii 2011-kii).

-Sayniska fasalka afraad: 540 dhibcood ( 7 dhibcood ayaa ku siyaadey).

-Xisaabta fasalka sideedaad : 501 dhibcood ( 17 dhibcood ayaa ku siyaadey).

-sayniska fasalka sideedaad : 522 dhibcood ( 13 dhibcood ayaa ku siyaadey.

- Xisaabta fasalka saddexaad ee dugsiga sare : 431 dhibcood ( 19 dhibcood oo ku siyaadey ilaa iyo sanadkii 2008-dii).

-Fisikiska fasalka saddexaad ee dugsiga sare : 455 dhibcood ( hoos u dhacey boqolkiiba 42).

Waxaa xusid mudan in isku celcelis ahaan buundada 500 tahay tan caalamku ka qiyaas qaato.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".