Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ericsson oo ruqseysey 460 shaqaale oo ka hawlgala Borås

La daabacay tisdag 29 november 2016 kl 16.38
Ericsson oo ruqseysey 460 shaqaale ah
(1:19 min)
Calanka Sumadda shirkadda Ericsson.
Calanka Sumadda shirkadda Ericsson. sawir: Sawirle: Maja Suslin/TT

Shirkadda Ericsson ayaa gabi ahaanba xireysa warshadda ay ku leedahay magaalada Borås, waxqayna shaqada ka ruqseyneysaa shaqaale gaaraya ilaa iyo 460 qof.

Tomas Blidberg oo ah hogaamiyaha dhanka wadahadalada u qaabilsan ururka shaqaalaha ayaa idaacadda Iswiidhan u sheegey sidan soo socota:

  • Shaqaalaha qaarkood ayaa goobtaan ka sii shaqeyn doona, taas oo ah mid fiican laakiin marka taas laga soo tago xaaladdu aad ayey u xun tahay, ayuu yiri Tomas Blidberg oo ah hogaamiyaha dhanka wadahadalada u qaabilsan ururka shaqaalaha.

Wadahal dheer oo ay shirkadda Ericsson la gashey ururada shaqaalaha ka dib ayaa lagu gaarey in shirkaddu furto goob cusub oo ay ka hawlgali doonaan 175 qof oo shaqaala ahi waxayna shaqadoodu u badnaan doontaa dhanka adeega loojiistikada, konton qof ee shaqaale ah ayaa iyagana waxaa loo wareejinayaa gooba kale oo shaqo.

Dhanka kalana magaalada Kumla ayaa iyadana waxaa shaqada laga joojiyey shaqaala gaaraya 360 qof taas oo qeyb ka ah beekhaaminta lacageed ee ay shirkadda Ericsson ku talaabsatey taas oo ay shirkaddu qorsheysey in ay ka maaranto shaqaale gaaraya ilaa iyo 3000 oo qof ilaa iyo inta laga gaarayo 8 bisha december.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".