Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Turkida Sweden iska dhiibaysa oo cirka isku shareertay

La daabacay onsdag 30 november 2016 kl 11.28
Folk viftar med den turkiska flaggan i rött.
Dad calanka turkiga luxahaya goob lagu xusahayo dadka nafta u horey waddanka. sawir: Emrah Gurel/TT

Laga soo bilaabo 1 november 531 qof oo ah magangeliyo doon turki ah ayaa iska dhiibtay dalka Sweden, taas oo ah labo jibaar marka loo barbardhigo tirada turkida ah ee sannadka oo dhan iska dhiibatay Sweden.

– Ugu horeyn waxaan u maleyneyaa in ay salka ku heyso xaaaladda cakiran ee ka taagan dalka Turkiga kadib afgambigii dhicisoobey ee dalkas ka dhacay bartamahii bisha julay sannadkan, ayuu yeri Carl Bexelius oo dhanka sharciyada u qaabilsan hey’adda socdaalka Migrationeverket.

Marka la fiiriyo guud ahaan EU tirada muwaadiniinta turkida ah ee iska dhiibtay waxay mareysaa 6 000 oo ruux, inkasta oo tirokoobkan markii ugu dembeeyey ee la sameeyey aheyd bishii augusti.

Dalka Jarmalka keliya waxaa iska dhiibtay tiro gaaraysa 4 000 oo qof oo intooda badan u dhashay qoomiyadda kurdida.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".